Majid Moqtar
Waxaan ahay tabiye ciyaraha ah, tageero man utd ah, wariye ka hadlo ciyaraha dhamaan, kuso dhawaaw bage keygan mahadsanid
11/06/2026
I’m so excited Omar artan keep up my brother
🚨 𝐎𝐅𝐅𝐈𝐂𝐈𝐀𝐋: Omar Artan will referee the 𝐔𝐄𝐅𝐀 𝐒𝐔𝐏𝐄𝐑 𝐂𝐔𝐏 - after being ruled out of the World Cup! 🤩🇸🇴
Artan’s story took an unexpected turn — as after being denied entry into the United States for the World Cup, many thought it would be a setback… but he’ll referee the Super Cup in August.
Somalian fans welcome him as a hero, and he’ll now have a big chance on international stage for 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐒𝐭 𝐆𝐞𝐫𝐦𝐚𝐢𝐧 𝐯𝐬 𝐕𝐢𝐥𝐥𝐚 🏆
𝐘𝐨𝐮 𝐝𝐞𝐬𝐞𝐫𝐯𝐞 𝐭𝐡𝐢𝐬, 𝐎𝐦𝐚𝐫. 🥹👏🏼
11/06/2026
UEFA: "IXTIRAAM AYAAN U HEYNAA OMAR"
Madaxweynaha UEFA Aleksander Čeferin: “Omar Artan waa garsoore da’yar oo heer sare ah balse leh waayo-aragnimo ku filan, taasna wuxuu si buuxda ugu cadeeyay tartamada ugu sareeya Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF)"
"Kubadda Cagta waxaa loogu talagalay iney dadka isku soo dhaweyso, UEFA waxey dooneysaa iney muujiso ixtiraamka ay u heyso Omar Artan & xirfadiisa garsoorenimo ee heerka sare taasoo suuragalisay magacaabistaan"
"Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Africa (CAF) Patrice Motsepe taageeradii xamaasadda lahayd ee uu siiyey hindisaheena"
Warkii ugu fiicnaa ee aan ebid ku tabiyo barteyda Facebook ee la xiriira Kubadda Cagta ayuu noqonayaa.
SHEEKO TAARIIKHDA GASHAY
11/06/2026
🏆 Referee announced for 2026 !
We’re pleased to share that Somali referee Omar Artan will officiate the highly anticipated match between PSG and Aston Villa in Salzburg.
07/06/2026
Shalay markaan daawanayay Kulankii Belguim v Tunisia waxaan u fiirsaday xidigaha Belguim waxan fiirsaday Doku oo prime Ronaldinho ah De ketlaere oo kalsooni ku ciyaaraya Xitaa Lukaku markuu soo galay saameyn ayuu lahaa Laakin De bruyne ayaan u fiirsaday oo ciyaar iska caadi soo bandhigay kulan qarankii 5-0 ku badiyay, waxan isweydiiyay Horta De bruyne qarankiisa Belguim muxu ugu muuqan waayay sida Kooxdiisa waqtigii City? waxa aan ka fakary masoo bandhigay Waqti xusid mudan marka laga yimaado kulankii BraZil ee 2018kii waa may, markaa waxan ka fakaray ma jiraan ciyaartoyo kale oo kooxaha bandhigyo fiican ku leh Laakin qaramadooda aan aad isugu muujin .
Ka hor koobka Aduunka waxaan si faahfaahsan ugu lafaguraynaa shan xiddig oo aan qaramadooda lasoo bandhigin Qaab ciyaaredkooda Kooxaha inaga oo eegayna sababta taatiko ahaan keentay, Soo qabso cabitaankaaga oo akhri Raiyga aan meesha kusoo gudbiyay.
1. Vinícius Júnior (Real Madrid iyo Brazil)
Heerka Kooxda: Real Madrid gudaheeda, Vinícius Júnior wuxuu ka mid yahay hubka ugu halista badan ee kubadda cagta adduunka. Carlo Ancelotti wuxuu u dhisay nidaam u sahlaya inuu helo boos banaan oo uu ku wajihi karo daafaca dambe ee ka soo horjeeda Isaga oo kaashanaya xiddigo khadka dhexe ah oo baasaska dilaaga ah u dhiiba, wuxuu noqday mashiin goolal iyo caawin joogto ah leh oo go'aamiya kulamada ugu waaweyn ee Champions League inta aanu Mbappe arbush ku furin.
Heerka Qaranka: Marka uu xidho maaliyadda Brazil, sheekadu waa ay isbedeshaa. Xulka Seleção inta badan ma haysto qaab-dhismeed khadka dhexe ah oo si dhakhso leh kubadda ugu gudbiya garbaha Vinícius wuxuu inta badan ku dhex lumaa difaacyo isku dhow oo is kaashada (Double-teaming), sababtoo ah Brazil ma laha nidaamkii boos-qaadashada (Positional play) ee saxda ahaa ee furayay difaacyada dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Tani waxay keentaa inuu si quus ah dib ugu soo laabto si uu kubadda u raadsado, taasoo ka fogeyneysa aagga ugu halista badan ee xerada ganaaxa,Laakin nasiib wanaagiisa tababrihii awooda kaga soo saaray Real Madrid ayaa imikana la joogaa Brazil oo waliba ku ciyaaraya awoodiisa oo ah in uu ku ciyaaro Boos aan garbna aheyn weerarna aheyn sidoo kale aan looga baahneyn Difaacasho badan, markan vini cudur daar ma haysan doono.
2. Kevin De Bruyne (Manchester City iyo Belgium)
Heerka Kooxda: waqtigii Manchester City
De Bruyne wuxuu ku ciyaari jiray mid ka mid ah nidaamyada ugu habaysan taariikhda kubadda cagta ee uu dhisay Pep Guardiola. Ciyaartoyda ku xeeran waxay sameeyaan orod ka baxsan kubadda (Off-the-ball runs) si joogto ah, taasoo u furta De Bruyne fursado uu ku bixiyo baasaskiisii caanka ahaa ee tooska ah iyo karoosyada dhulka mara ee u dhexeeya daafaca iyo goolhayaha.
Heerka Qaranka: Belgium dhexdeeda, inkastoo uu yahay udub-dhexaadka xulka, De Bruyne ma haysto isla tayada ama nidaamka otomaatiga ah ee ka caawiya inuu ciyaarta maamulo. Marka uu joogo heer qaran, inta badan waxaa lagu qasbaa inuu hoos u soo d**o si uu kubadda uga soo qaado daafaca dambe sababtoo ah khadka dhexe ee dalkiisa oo ka gaabiya Buildupka Tani waxay ka fogaysaa aagga lambarka 10-aad ee uu ka dhalin karo goolasha ama uu ka samayn karo caawinta dilaaga ah, isagoo mararka qaarkood u muuqda mid ka niyad-jabsan habacsanaanta taktikada Qarankiiisa, Laakin imika waxa isbadaly xitaa in kooxdiisa Napoli aan la baashirin oo Conte ku khasbay in uu dib usoo d**o si uu difaaca ugala qeyb qaato kooxdiisa Halka Qaranka uu joogo Rudi Garcia oo badanka Ku ciyaara Double pivot, Sida caadiga ah waa in taasi caawiso Hadii kale mushkiladu waxay ka imanysa De briyne laftigiisa oo noqonaya ciyaariyahan kusoo muuqday uun systemka Guardiola iyo Man city.
3. Antonio Rüdiger (Real Madrid iyo Jarmalka)
Heerka Kooxda: Rüdiger wuxuu ka mid yahay daafacyada dhexe ee ugu adag caalamka marka uu joogo Real Madrid iyo waayihiisii Chelsea inkastoo labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeeyay uu f**t ahaan kari waayay, Wuxuu ku fiican yahay ciyaarta gardarrada ah (Dirt Work) Xidhista weeraryahannada target manka ah iyo difaacista boosaska banaan marka kooxdu ay weerarka ku jirto,Madrid dhexdeeda wuxuu ku hareeraysan yahay nidaam daafac oo adag oo khadka dhexe uu gacan weyn ka geysto xannibaadda kubadaha countter attacka ah.
Heerka Qaranka: Jarmalka dhexdiisa, Rüdiger wuxuu inta badan u muuqdaa mid nugul oo ku lug yeesha khaladaad dhanka boos qaadashada ah, Sababta ayaa ah in xulka Jarmalku uu dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku dhibtoonayay helitaanka khad dhexe oo isu dheelitiran iyo daafacyo deggen, iyo isbadalka tababarayaal siyaabo kala duwan wax u difaacda , Joachim löw oo man marking ciyaari jiray hadana Flick oo highline doonayay iyo imika Nagelsmann oo ciyaara Cadadis iyo in ay isu dhiwadaan dhamaan sadexda khad , Guud ahaan Rudiger waa ciyaariyahan Low Iq ah oo markaata ay tahay in uu ka garab ciyaaro Daafac xasuusiya shaqadiisa sidoo kale nafis ku ah in aanay kooxdiisu kubadda haysan waana sababta uu ugu fashilmay ka hoos ciyaarista Tababaryaal sida Alonso Flick iyo imika Nagelsmann.
4. Ousmane Dembélé (PSG iyo Faransiiska)
Heerka Kooxda: Dembélé waa mid ka mid ah garabyada ugu tayada badan marka la eego awoodda (1v1). PSG iyo waayihiisii Barcelona, tababarayaashu waxay siiyaan xorriyad dhammaystiran oo uu ku dhaafo daafacyada midig ama bidix, isagoo abuuraya fursado badan oo goolal loo beddeli karo sababtoo ah kooxda ayaa u diyaarisa jawi uu keligiis ku go'aamin karo garabka, Luis Enrique iyo Xavi waxay kasoo saareen kalsooni ka dhigtay xidiga dunida ugu wanaagsan iyaga oo u nidaamiyay xitaa marka aanu kubadda haysan sida uu usoo ceshan lahaa, Hogaaminta ka muuqata iyo Goaaminta kulamada waaweyn waa labada sifo ee ugu waaweyn ee aan lagu arkin marka uu faransiiska u ciyaarayo.
Heerka Qaranka: Didier Deschamps wuxuu adeegsadaa nidaam aad u taxaddar badan oo ku dhisnaan jiray in xawaaraha iyo awoodda gool-dhalinta lagu wareejiyo Kylian Mbappé ama xiddigaha kale ee safka h**e. Dembélé marka uu dalkiisa u ciyaarayo, waxaa laga rabaa shaqo daafac oo aad u badan, taasoo daalisa awoodiisa weerar. Sidoo kale, go'aan-qaadashadiisa degdegga ah ee mararka qaarkood khaldanta waxay ku keentaa inuu lumiyo booskiisa joogtada ah ee xulka, isagoo inta badan ku dhibtooda inuu yeesho saamayn joogto ah 90-ka daqiiqo, Enrique markale wuxu ku amaan mudaan yahay in uu fahansiiyay Dembele in uu ka garab ciyaari karo weeraryahano kale oo xawaare leh taas oo aan isaga si negative ah u saameynehn.
5. Bruno Fernandes (Manchester United iyo Portugal)
Heerka Kooxda: Manchester United gudaheeda, Bruno Fernandes waa wadnaha dhexe ee kooxda laga hoggaamiyo. Taktikada kooxda waxaa loo dhisay in isaga la siiyo kubad kasta oo halis ah. Waxa uu haystaa xorriyad buuxda oo uu ku lumiyo kubadda 10 jeer si uu markii 11-aad u dhiibo baas gool noqonaya. Kooxdu waxay u dulqaadataa khatarta uu qaato sababtoo ah isaga ayaa ah mashiinka kaliya ee hal-abuurka, miyay tahay Fikrad wacan? ma sheegi karno waayo nambaro ahaan aad ayuu u sareeya Laakin kooxdu kuma tartanto ama kuma guuleysto Koobabka muhiimka ah.
Heerka Qaranka: Portugal ma ahan Manchester United; waa xul ay ka buuxaan xiddigo magac iyo tayo weyn leh oo raba in kubadda ay cagtooda ku haystaan sida Bernardo Silva, Vitinha, iyo kuwa kale, iyadoo weerarkana uu majaraha u hayo Cristiano Ronaldo. Bruno dalkiisa dhexdiisa k**a heli karo isla xorriyaddaas buuxda ee uu United ku leeyahay. Waxaa laga rabaa inuu ciyaaro kubad ka taxaddar badan, baasaskeysana ay noqdaan kuwo nidaamsan si loo ilaaliyo kubadd haysashada (Possession). Tani waxay meesha ka saartaa qayb ka mid ah khatartii dabiiciga ahayd ee uu ku caanka ahaa, taasoo keenta in qaab ciyaareedkiisu u muuqdo mid caajis ah ama ka saameyn yar kan Old Trafford,Bruno fernandes waa mid kamid ah ciyaartoyada dunida ugu wanaagsan Laakin wuxu u baahan yahay Goaan qaadasho sax ah waayo Xulka ma jogaan ciyaartoyo si joogto ah kubadda ugu keenaya oo isaga uun ka sugaya in uu farqi sameeyo waa Qaran 6-7 farqi sameeye kale ay joogaan sidaas darteed waa in uu yeesho garashada kala duwanaashaha labada kooxood ee uu u ciyaaro.
Ciyaartoyo kale ma xasuusatay mise kuwan aan soo sheegay maxaad kuigu khilaafsan tahay?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mitchell's Plain
Cape Town