08/27/2026
Naagtaan aad aragtaan waxay iska furtay ninkeeda 9:00am subaxnimo, ninkii oo maxkamada ka yimid ayaana iska aaday meel sharaabka lagu iibiyo kadibna wuxuu iibsaday dhali cabitaan ah, wuxuuna sidoo kale iibsaday tikid bakhtiyaanasiib si uu nasiibkiisa isaga tijaabiyo.
Ninkii ayaa si lama filaan ah guul taariikhi ah ku gaaray kadib markii uu nasiibkii ku helay 40 Million Dollar, sheekadii waxaa maqashay naagtiisii h**e ee furtay, waxayba durba u laabatay maxkamadii si lacagta loogu kala qeybiyo, ayadoo waliba dalbatay 20 Million, naagta ayaana ku dooday in ninka uu lacagta helay isla maalintii uu ayada furay, sidoo kale waxay doodeeda ku xoojisay in lambarada uu u adeegsaday nasiibka ay la xiriireen taariikho iyo dhacdooyin muhiim u ahaa noloshooda.
Kiiskii markii maxkamada la geeyay waxaa cadaatay in ninka uu bakhtiyaanasiibka iibsaday isla maalintaas balse saacada ay aheyd 12:00pm, waana sadax saacadood kadib markii uu furriinka dhacay, sidoo kale ninkii ayaa beeniyay in lambarada ay ahaayeen kuwa taariikho muhiin ah, balse wuxuu sheegay in lambaro uu kumbiyuutarka u dooray qaatay, tikidka bakhtiyaanasiibkana iibsaday markii uu si rasmi ah u furay xaaskiisa.
Maxkamadii ayaana kiiska u xukmisay ninka waxaana naagtii loo sheegay in wax xuquuq ah ku laheyn lacagtaas ninkana ay ayada iska furtay oo furriinka xitaa dhankeeda ayuu ka yimid.
Kawarama hee sheekada naagtaas ku dhacday? 3 saacadood kaliya ayay ku waysay 20 Miilion Dollar.
08/18/2026
WAR WAYN; Laacibkii h**e ee qaranka Brazil iyo kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan, Roberto Carlos ayaa si rasmi ah u qaatay diinta islaamka.
Sida uu xaqiijiyay ku xigeenka madaxa xisbiga cadaalada iyo Hormarka u qaabilsan gobolka Gaazi Cantaab ninka lagu magacaabo Cali Shaahiin kaasoo xiganayo Sheekh Jihaad Xamaada oo kamid ah masuuliyiinta ugu waaweyn jaaliyadaha muslimka ee dalka Brazil, Roberto Carlos ayaa qiray shahaada dibna ugu soo laabtay diintii asalka aheyd ee Islaamka.
Sheekh Xamaada ayaa sheegay in mudo aad u dheer uu xiriir la lahaa Carlos oo lagu tiriyo no3 gii ugu fiicnaa taariikhda kubbada cagta, wuxuuna intaas ku daray in afar isbuuc kahor uu Carlos kusoo booqday hooygiisa halkaasna shahaadada ku qiray.
Anagana waxaan leenahay walaal Carlos kusoo dhawoow diinta barakeysan ee islaamka, Allaahna xaqqa hakugu sugo.
08/07/2026
Wiilkaan aad aragtaan wuxuu u dhashay Turkey, waxaa u dhamaatay barashada kiciska iyo alifka, waxaana loo sheegay in haatan loo bilaabayo barashada qur'aanka, asigoo aamini la'san ayuu macallinkiisa waydiiyay hada ma waxaan baranayaa Qur'aanka? Waxaa loogu jawaabay; Haa.
Farxad iyo qiiro ayaa halmar qabsatay wuxuuna bilaabay inuu ooyo, macallinkii ayaana weydiiyay sababta uu u ooynayo, wuxuu ku jawaabay inuu farxad la ooynayo barashada qur'aankana uu aad u jecelyahay.
Nabiga scw wuxuu noo sheegay inaan carruurteena sadax waxyaabood jaceylkooda barno, Jaceylka Allaah, Jaceylka Nabiga scw iyo Jaceylka Qur'aanka.
08/01/2026
Gabadhaan aad aragtaan waa muslimad ku nool dalka Mareykanka, waxay ka sheekeysay arrin layaab leh, ayadoona tiri, markaan iskuulka dhigan jiray gabdhaha aan iskuulka isla dhigano waxay jeclaayeen iney timaheyga arkaan.
Maadaama aan mar walba xijaab xiran jiray waxaa xiiso ku haayay aragtida timaheyga, maalintii dambe ayaan ku dhahay qofkii $10 dhiibo waan tusayaa, gabdhihii ayaana markaas saf soo galay, anigana suuliga gabdhaha inta galay ayaan mid walba oo $10 dhiibto timaheyga tusaayay.
Waaba gabar caqli badan, kaarto cajiib ah ayay kaga lacageysatay.
07/31/2026
Markii aad tahay Senator wax sawiro Epstein ahna lagaa heynin sidaan ayaad u laandheereyneysaa.
Kani waa Senator John Fetterman oo kamid ah aqalka sare ee Mareykanka, wuxuu sidaan u bahdilayo waa Benjamin Netanyahu Ra'iisul Wasaaraha Isrl, ugu horreyn wuxuu ku qaabilay dhar Sports oo dibloomasiyada ka baxsan, buumo gaaban, lugaha ayuu is kor saartay asigoona cagtiisa aadiyay dhanka Netanayhu, intaas kadibna wuxuu lasoo baxay taleefankiisa wuxuuna isaga mashquulay daawashada Tik Tok, wax ihtimaam ahna ma siinin Netanayhu.
07/30/2026
Mukulaashaan yar saakay anigoo socdo ayaan waxaan arkay carruur yar yar oo dooneyso iney dilaan ayadana ay ka dhuumaneyso ayagoo waliba biyo qabow ku shubay, aad ayay u dhaxamooneysay markaan arkayay ayaan ilmihii ka celiyay kadibna meel dugaal ah ayaan dhigay si ay dhaxanta uga gasho, in cabaar ayay is qalajineysay, markii ay sideedii h**e kusoo laabatay ayay iisoo dhawaatay kadibna lugteyda agteeda seexatay ayadoo waliba barkin ka dhigatay.
Mukulaashan maanta kahor ma arkin, inkastoo ay xayawaan tahay hadana xayawaanada way dareen fog yihiin wayna yaqaanaan qofka halista ku ah iyo qofka aaminka ah ee aan dhibaatada ku aheyn, sidoo kale xayawaanada badankooda ma iloobaan qofka wax siiya ama naftooda badbaadiya.
07/29/2026
Ninkaan aad aragtaan sanadkii 1982-dii ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inuu jariimo dil ku kacay, ninka ayaana ku adkeystay inuusan wax dambi ah galin, balse xabsi daa'in ayaa lagu xukumay, mudo 25 sano ayuuna xabsiga ku jiray.
Mudadii uu maxbuuska ahaa xaaskiisa ayaa iska furtay ninkalana guursatay, balse sanadkii 2007-dii waxaa la ogaaday inuu dambiile aheyn, kadib markii DNA-giisa laga ogaaday inuusan aheyn qofka dilka geystay, maxkamadii ayaana ninkaan xorriyadiisii dib ugu soo celisay, waxaana magdhow ahaan loo siiyay 6 Million Dollar.
Sheekada yaabka leh ayaase waxay tahay, xaaskii ninkaan uu qabay markii ay ogaatay in ninkii uu Milyineer noqday xoriyadiisana dib u helay ayay maxkamada waxay geysay kiis dacwo ah, ayadoona dalbatay kalabar hantidiisa, maadaama ay tahay xaaskiisii h**e. Balse maxkamadii ayaa kiiskeeda si deg deg ah usoo diiday, garsooraha ayaana xitaa diiday in kalfadhi labaad kiiska dhageysto asigoona kalfadhigii koowaadba kiiskeedii soo diiday.
Bal adinka wax ka dhaha hunguri weynida naagtaas qaaday, garsoorihii baa yaabay.
07/26/2026
Jilaaga da'da yar ee Turkiga u dhashay laguna magacaabo Emre Üçtepe kaasoo horay u matalay doorka Osman Gazi ee taxanaha Kurulus Osman ayaa la weydiiyay; "Hadii aad la kulanto Nabiga scw maxaad weydiin laheyd?".
Wuxuu ku jawaabay; "Su'aashaada waa mid xeel dheer mana fileynin su'aal caynkaan oo kale, balse hadii aan si daacad ah u hadlo wax su'aal ah ma weydiin laheyn, waayo waxaan aaminsanahay in Nabiga scw markuu dhashay ilaa uu ka geeriyooday uu horay uga jawaabay dhammaan su'aalaha, marka hadii aan su'aal weydiiyo waxaan ka cabsi qabaa inuu igu dhaho "Miyaadan akhrinin siiradeyda iyo sunadeyda?" Ama inuu i dhaho "Miyaadan horay wax uga baran diinta islaamka?" Sidaas owgeed wax su'aal ah ma weydiin laheyn".
07/23/2026
Sawirkaan argagaxa leh waxaa qaaday sawirqaade u dhashay dalka Pakistan laguna magacaabi Caadif Saciid, waana sawir dhif iyo naadir ah balse uu qaadistiisa naftiisa halis u galiyay.
Caadif Saciid oo arintaan ka hadlayay ayaa yiri;; waxaan u safray goobta uu Libaaxa duurka kaga noolyahay ujeedkeyga oo dhan ayaana ahaa inaan sawiro kasoo qaado, waxaan arkay libaax gaajeysan aadna u careysan, gaarigii ayaan kasoo dagtay anigoona nafteyda halis weyn u galiyay sidaan sawirkaan u qaadi lahaa, waa xaalad ay dhif tahay in sawir noocaan laga qaado Libaax sidaas owgeed si sawirka uu u noqdo mid dhameystiran waxaan u dhawaaday Libaaxii, balse libaaxii oo careysan ayaa dhankeyga soo aaday aniga iyo asigana waxaa inoo dhaxeysay dhowr mitir kaliya.
Sawiradii aan rabay markaan qaaday ayaan ku orday dhankii baabuurka sidaasna isku badbaadiyay.
Waa tijaabo aanan waligey mardambe fulin doonin waayo nafteyda ayaan kuweyn gaaray.