Coach Sabrie

Coach Sabrie

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Coach Sabrie, Sports & Fitness Instruction, Minneapolis, MN.

Waxaan ka cawiyaa Raga & Dumarka somaliyed
Misaan Dhimis & Jirdhis, —
adigoon Sameen gym ama gaajo isku dilin.

🎯 Cunto Somali ah, cilmi sal leh
🥗 Cunto | 💪 Caadooyin | ❤️ Niyad wanaag
💬 linkiga hoose ku dhufo”
https://linktr.ee/coachsabrie

08/25/2026

08/25/2026

🔥 **21KG ayuu ka dhacday Amaaal 90 MAALMOOD… ayda oo cunaysa 1600 CALORIES! 😳** cunto badan,

Haddii aad u malaynayso in miisaan-dhimistu tahay **gaajo + ansalato la cuno oo keliya**, video-gan waa inaad daawataa. 👀

Waxaan ku tusayaa **FULL DAY OF EATING** maalin dhan waxa ay Amaal cuneysay misaankaasna uga dhacay,
(https://youtu.be/oHw2rbBpvgg?si=YpXGzQspRVW-YjVP)
🎥 **Daawo ilaa dhamaadka** — waxaa laga yaabaa inaad la yaabto inta cunto ah ee 1600 calories noqon karto.

👇 Haddii aad rabto inaad sidoo kale markaaga aad qey ka noqota isbedelka 90ka ciso halkaan nagala soo xariir waxaan fiirineena in barnaamijka aad ka bixi karto (https://wa.link/dxj2yg)

08/24/2026

Maanta waxaan isku dayayaa **cuntada iyo workout-ka [MAGACA QOFKA]** si aan u arko sida uu maalin dhan u cuno, u tababarto, iyo waxa aan ka baran karo hab-nololeedkiisa. 💪🔥

Video-ga waxaan kula wadaagayaa khibraddayda dhabta ah, waxa igu adkaaday, waxa aan ka helay, iyo sida ay cuntadan iyo workout-kan u saameeyeen jirkeyga iyo tamartayda.

Haddii aad jeceshahay **fitness, weight loss, caafimaad, cunto, workout iyo challenges**, subscribe saar channel-ka oo nagu soo biir! ❤️

**Comment-ka hoose igu sheeg qofka aad rabto inaan xiga isku dayo! 👇**

08/23/2026

try:

08/22/2026

Haddii aad rabto inaad baruurta dhinto adigoon wax calories tirin uma baahnid inaad noloshaada oo dhan ku mashquusho app iyo misaanka cuntada lagu cabiro.

Waxaan kuu sheegayaa 5 waxyaalood oo aan qof kasta oo fat loss raba kula talin lahaa:

1️⃣ Miisaankaaga la soco
Ha ku mashquulin hal maalin. waxa kaa dhacaya Fiiri isbeddelka toddobaadka. tusaale asbuuci maxaa isbedelay,

2️⃣ Calories-ka aad cabbayso yaree Maxaan Ka Wadaa?
Soda, juice, shaah sonkor badan, cabitaano macaan—waxay jirka ku siyaadiyaan tamar badan adigoon dhereg badan dareemin.

3️⃣ Jooji “in aad gaajo isku disho,
Dhibaatada qofka somaliga ah maahan in uu cunto badan cuno ee waa xabad sambuus ah…inta ka cun … wax yar oo dhadhamis ah carruurta uga haray astur waayo dayaca waa danbi!

Wax yar marka la isku daro, **wax yar ma aha.** 😅

**4️⃣ Cun cunto badan oo ku dheregsiisa**
Protein + khudaar + fiber + cunto culeees badan leh.

Ujeeddadu ma aha inaad gaajo ku noolaato.

5️⃣ Environment-kaaga beddel, Beey'ada aad ku nooshahay.
Haddii gurigaaga cunto kasta oo aad jeceshahay kuu taallo, ha filan inaad maalin kasta goaan qaadasho aad ku dagaallanto.

👉 Talada ugu Muhiiimsan,?

**Ha isku dayin inaad shantan shey aad hal mar bilowdo.**

Hal caado dooro, 7 maalmood ku shaqee, kadib kan xiga ku dar.

baruur dhimista ma aha inaad noqoto qof wax walbo heli kara.

Waxaan rabnaa **bedelida qaabka aad u nooshahay si aad muddo dheer ku sii wadi karto.** 💪🏾

👇 **Adiga kee ayaa kuugu adag? 1, 2, 3, 4 mise 5?**

Somali fitness, Somali weight loss, Somali fat loss, miisaan dhimis, baruur dhimis, cunto caafimaad leh, Somali nutrition, Somali gym, Somali fitness coach, weight loss tips, fat loss tips, calorie counting, healthy lifestyle













08/17/2026

Muuqaalkan, waxaan tijaabiyay qorshaha cuntada 1600-calorie ee macmiilkayga si aan u eego sida ay u shaqeyso iyo sida ay kuugu caawin karto in aad baruurta si joogto ah u dhimto! Waxaan kuu tusi doonaa cunto kasta oo maanta la cunayo, baaritaanka macronutrients-ka, iyo habka aad u cuni karto cunto badan oo buuxinaysa adiga oo weliba ku jira deficit. Haddii aad doonayso in aad miisaanka dhimto adiga oo aan baahi dhab ah dareemin, daawo muuqaalka

08/15/2026

🔥 Haddii aan kula wadaagi lahaa 5 cunto oo aan dooran lahaa haddii aan rabo inaan baruurta caloosha yareeyo 90 maalmood gudahood… ma qayaasi kartaa waxa aan dooran lahaa?

Kuwa ka mid ah xitaa dad badan waxay u malaynayaan inaan la cuni karin marka baruur la dhimayo. 👀

Ukunta? ✅
Digaaga? ✅
Bataata macaanka? 👀

Laakiin waxaa jira laba kale… commentiga nagula wadaag?

🎥 Fiidiyowga cusub waxaan ku tusayaa 5-ta cunto iyo sida aan dhab ahaan maalintayda ugu isticmaali lahaa.

Ma aha cashar kale — waxaan ku tusayaa jikadeeda iyo fariijkeega.

Lasoco next video 🔥

08/10/2026

somalifitness⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ somalibusiness⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠ ⁠

08/04/2026

Miisaanka iga dhacay keliya ma aha hadaf somaaliyeey! 💪

Markaad miisaan dhimayso, waxa muhiim ah inaad faaatka lumiso adigoo murqahaaga ilaalinaya.

3 arrimood hada kadib jadwalkaaga ku dar:

🏋️ 1. Jimicsiga biraha (Strength Training)
Birta waxay jirkaaga ka caawisaa inuu ilaaliyo murqaha inta miisaanku dhacayo.

🥩 2. Borotiin kugu filan cun,
Ukun, kalluun, digaag, hilib, caano geel/Greek yogurt, digir iyo cuntooyinka kale ee borotiinka leh ku dar cuntadaada.

🥗 3. Sameeyso hab nololeed aad sii wadi karto (health life style)
Ha samayn prograam aad u adag oo aad laba toddobaad kaddib joojinayso. Samee isbeddel yar oo aad bilo iyo sannado sii wadi karto.

Hadafku ma aha oo keliya inaad 20 kilo iska tuurto — waa inaad baruurta rido adigoo caafimaadka murqaha ilaalinaya.

Adiga saddexdan kee ayaa kuugu adag: jimicsiga, borotiinka mise joogtaynta? bal nala wadaag,

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Minneapolis?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Minneapolis, MN