14/08/2026
Waxaan Halkan Hambalyo Qiime badan ugu dirayna Kooxda Auto Parco (Gaadiidka) oo kuguulesatay Horyalka Somali National League 2025/2026.
Kooxda Gaadiidka Waxe samesay Isku duubni, Ciyaar wanaag iyo Joogteyn Guulo iyado Horyalka oo dhan 1 Kulan laga adkaaday taasi oo ku tusinaysa Awooda ay ku qaaday Horyalka.
Hambalyo aya leenahay Maamulka, Macalimiinta, Ciyaartoyda iyo Taagerayaasha Kooxda, Ku raaxeysta Guushiina.
03/08/2026
Taariikh cusub oo u bilaabatay kubadda cagta Soomaaliya
Bilaha Sebtembar iyo Oktoobar, saddexda xul qaran ee Soomaaliya ayaa u safri doona tartamo iyo kulammo caalami ah, iyagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed
Tani waxay muujinaysaa horumarka muuqda ee kubadda cagta dalka iyo fursadaha sii kordhaya ee ciyaartoyda Soomaaliyeed
Qaramada Baxaayo waxaa kamid ah
U-15 ay Dhelayaan Hablaha
U-15 Ay Dhelayaan Wiilasha
U-17 Ay Dhelayaan Wiilasha
Horumarkan waxaa saldhig u ah dadaalka, hoggaaminta iyo qorsheynta Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia 🇸🇴 Mudane Ali Abdi oo door muhiim ah ka qaatay dib u soo nooleynta iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed
Waxaana jiro sanadkaan 2026 H**e Ay baxeen Qaramo kale
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan xulalka qaranka guul, nabadgelyo iyo inay calanka Soomaaliya si sharaf leh uga dhex babiyaan fagaarayaasha caalamiga ah
Guul Somaliya🇸🇴
03/08/2026
Shirkada A2Z Sports House oo so laba kaclesay aya so saartay Naqshad so jiidasho leh oo maliyadaha xulka Qaranka Somalia ah.
Shirkadan aya Tartan adag kula jirta Shirkada Dhamees oo heshiis kula jirta Xiriirka Kubadda Cagta Dhanka so sarista qalabka Xulka Qaranka qeybihiisa kala duwan.
03/08/2026
Guddiga Tartamada Xiriirka Kubadda Cagta Somalia aya xaqiijiyen in 6da August dib loo furi doono horyalka Somali National League.
Horyalka oo maraya meelihi ugu xiisaha badna aya hakad u galay Safarka Kooxda Mcc ay ku tagen wadanka Rwanda halkasi oo ay uga qeyb galen Tartanka Cecafa Kagame Cup 2026.
.
03/08/2026
Garsore Omar Abdulkadir Artan aya lo magacabay inu dhex dhexadiyo Final ka Cecafa Kagame Cup 2026 oo 7da Bishan August ka dhici doona Wadanka Rwanda.
Garsore Omar aya ciyarta waxa kula qoran Calan wadeyasha Kala ah:- Liban Abdulrazack oo Jabuti ka socda iyo Eliezer Stpephen Yiembe oo Kenya ka socda kuwa oo sido kale 12ka Bisha Garsore Omar kula qoran Finalka Super Cup ka Yurub oo u dhaxeya Kooxaha PSG V/s Aston Villa.
25/07/2026
Kooxda Dowladda Hoose Mogadishu City Club aya so bandhigtay Ciyaar qiima badan kulankii ay la ciyaartay Kooxda Simba Sc oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Geeska Africa.
Kooxda Mcc oo dalkena ku matalaysa Tartanka Cecafa Kagame Cup aya so bandhigtay qaab ciyaared lo riyaaqo waxena ka turjumaysa sare u kaca Kubadda Cagta Somalia ay samenayso sanadihii u dambeyay.
Guuleysta Geesiyal insha allah Next Game.
25/07/2026
Caawa waxa kulankooda Koowad Tartanka Cecafa Kagame Cup 2026 ciyaari doonta kooxda Dalkeena ku matalaysa Tartanka ee Mogadishu City Club.
Kooxda Dowladda Hoose aya la ciyaari doonta Kooxda Reer Tanzania ee Simba Sc oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan ee Tartankan kaqeyb galaya.
Diyaar garow adag aye sameeyen xidigaha kooxda Mcc waxana bahda Sportska Somaliyed kafilayan natiijo wanagsan.
Ogaada in MCC ay tahay Kooxda sida ugu wanagsan dalkena u matasha Tartamada Heer Cecafa iyo Caf marka yaan marnaba loo baqin wiilasha Caasimada, Insha allah Guul weyn aya u rajeynayna Xidigahena.