14/08/2026
Cristian Romero wuu macsalaameeyay Tottenham dhambaal sagootin ah ayuuna taageerayaasha la wadaagay.
Waa Page-keyga Rasmiga Ah: Waxaan Kusoo Qori Doonaa Cayaaraha, Aflaanta iyo Arimaha Bulshada.
14/08/2026
Cristian Romero wuu macsalaameeyay Tottenham dhambaal sagootin ah ayuuna taageerayaasha la wadaagay.
14/08/2026
Gabriel Martinelli wuu diiday inuu Galatasaray ku biiro, wakiilada Marinelli ayaana maamulka Arsenal u sheegay in xidigaan reer Brazil uusan rabin ka cayaarista Horyaalka Turkiga.
Arsenal ayaana dooneyso in Martinelli iibiso hadii ay hesho dalab macquul ah, waxaana xusid mudan in kooxda Galatasaray ay maalmo kahor kasoo gudbisay dalab dhan 45 Million Euro.
Enzo Chelsea ayuu sii joogaa waqtigii Man City waa ka dhacay, shirka jaraa’id Arteta & Maresca qabteen:
14/08/2026
Waaba iloobi rabnee, maanta oo kale 6 sano kahor (14-tii August 2020-kii), Bayern ayaa 8-2 ugu awood sheegatay kooxda Barcelona, cayaar ka tirsaneyd Quarter Finalka UCL.
Waa xiligii Corona Virus uu jiray sababtaas owgeed ayaa waqtigaan loo cayaaray.
Maxaa ku xusuusataa cayaartaan?
14/08/2026
Enzo Fernandes waqtigii ay Chelsea u qabatay wuu dhamaaday, kooxda ayaana haatan qorshaheeda yahay in Enzo uu tababarka kooxda kusoo laabto lamana iibin doonin.
Balse lama oga in Chelsea mowqifkeeda badali doonto hadii ay helaan dalab macquul ah oo ay cayaaryahanka kaga sabri karaan.
14/08/2026
Ninkii Rodri ahaa magaalada Manchester ayuu dib ugu soo laabtay waliba waxaa la sheegay in diyaarad shacab caadi ah asigoo saaran uu yimid magaalada.
Heshiiskii Barca waa socon la'yahay, Rodri-na wuu soo laabtay maxaa xal ah? K*k
14/08/2026
Wariye; Viktot Gyokeres wuxuu sheegay in kulanka koobka Community Shiled uu lamidyahay sidii kulan saaxiibtinimo oo kale, maxaad kaleedahay arrinkaas?
Arteta; Kulanka Communty Shield waa kulan aan muteysanay cayaaristiisa kadib markaan Horyaalka ku guuleysanay xilli cayaareedkii h**e, marka waa iska kulan caadi ah.
Arsenal waxay leeyihiin Communty Shield ma ahan kulan wayn waa iska Friendly oo kale.
14/08/2026
Waqtigii Chelsea u qabatay bixitaanka Enzo waa dhamaaday yarkaan dadkaaga dhinac ka raac ayaa la dhahay meelna uma socotid.
Balse macquul sooma ahan in Man City markeeda iyadana Chelsea waqti u qabato oo dhado ilaa isniin 100m pound idiin heynaa naga qaada k*k.
Kadibna markii waqtigaas dhaco isna Enzo waqti qabsado uu dhaho ilaa Jimcada dambe ayaan Chelsea sii joogaa kadib waan baxaa k*k
14/08/2026
https://www.youtube.com/watch?v=_H29L801zTA
Movie Reaction Kattalan, Prabhas oo taageerayaashiisa ka waalay, sheekada Vishal filimkiisa Magudam fadlan subscribe, like, share, comment ...
14/08/2026
Tukaankii Arsenal ee ku dhaganaa garoonka Emirates ayaa maanta bililiqo ka dhacday, kadib markii albaabka laga galaayo la burburiyay koox dad ah ayaa si xoog ah ku galeen, waxayna tukaankii ka geysteen dhac iyo xatooyo asigoona dhinac kasta laga bililqeystay. K*k
Arsenal hadaan garoonka loogu galin oo koobkii horyaalkana laga dhicin alx ha dhahaan. 😂😁