13/08/2026
๐ Guul Muhiim ah oo Heegan Gaartay
Wiilasha Kubadda Koleyga ee Naadiga Heegan ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhiggooda Kooxda Horseed, kulankoodii ugu horreeyay ee Koobka General Daaโuud, kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay Garoonka Wiish Stadium.
Guushan ayaa Heegan u ah bilow wanaagsan oo ay tartanka ku bilaabeen. ๐๐ช
08/04/2026
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan ayaa shaley kulan ciyareed lagu xusaayey Todobaadka Nabad iyo Sportska Aduunka kula qaatey dhigooda Wilasha Kubada Kolayga Kooxda Horseed Kulankaas aad u xiiso badnaay ciyaar la jecleesteyna ey soo bandhigeen labada dhinac waxey guusha raacdey Naadiga Horseed.
07/04/2026
FINAL ๐๐ฅ
Naadiga Heegan vs Naadiga Horseed
07 April 2026 | 4:00 PM
Wiish Stadium
Kulankan waxaa lagu maamuusayaa Maalinta Caalamiga ah ee Sports-ka iyo Nabadda Adduunka ๐
20/01/2026
TACSI
Maamulka, Ciyaartoyda iyo Macalimiinta Naadiga Heegan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, iyo guud ahaan bahda isboortiga Soomaaliyeed, kaddib geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Macalin Cabdikariin Islow Cumar.kasoo h**ey u soo noqdey Macalinka Kubada Kolayga Naadiga Heegan.
Naadiga Heegan wuxuu la qaybsanayaa qoyska iyo ehelada marxuumka murugada iyo xanuunka geerida, isagoo Alle uga baryaya inuu Marxuumka Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhammaan bahda isboortigana samir iyo iimaan ka siiyo.
ุฅููููุง ูููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
22/11/2025
Maanta tababarka Naadiga Kubadda Kolayga Heegan waxaa soo booqday Maamulka Naadiga Heegan, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Naadiga, Mudane Cabduqaadir Muxudiin Dacar.
Guddoomiyuhu wuxuu ciyaartoyda ku dhiirrigeliyay shaqada adag ee ay wadaan, isaga oo ku boorriyay inay dadaalkooda sii wadaan oo ka dhigaan mid miro-dhal ah.
Dhanka kale, ciyaartoyda kubadda kolayga ee Naadiga Heegan ayaa si xoog leh ugu diyaar garoobaya Horyaalka Kubadda Kolayga ee dhawaan furmi doona.
15/02/2025
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan oo ku guulestey Horyaalka Kubada Kolayga Somalia 2024/2025
10/01/2025
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan ayaa 60- 39 uga badiyay Dhigooda Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Horseed kulan ka dhacay garoonka Wiish galabta.
Ciyartaan ayaa ehed kulanka ugu dambeeyo wareega kowaad ee Horyaalka kubada Kolayga Wiilasha waxaa Hogaaanka Horyaalka haayo Wiilasha Kubada Kolayga Heegan.
27/12/2024
Cabdulaahi Axmed Xasan oo ah halyeyga Kubada Kolayga Naadiga Heegan ka soo dalka dib ugu soo laabtey ayaa maanta soo dhaweyn loogu sameyey Xarunta Dhaxe ee Naadiga Heegan.
Laacibka ayaa Qalab Sports gudoon siiyey Naadiga Cabdulaabi Axmed Xasan aya ka mida xidigihi h**e Naadiga Heegan wuxuna dhoorki sano ee ugu dambeyey maqnaay Qurbaha
25/12/2024
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heeganoo galabta guul muhiim ah ka gaarey Horyaalka Kubada Kolayga Somalia Kooxda Gift Stars Heegan aya ku adkaatey 70-59 Dhibic.
25/12/2024
Kualnkeena Maanta Horyaalka Kubada Kolayga Somalia waxaan la ciyareyna dhigeena Kooxda Gift Stars insh allah guul