Maamulka Deegaanka Shalaambood
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maamulka Deegaanka Shalaambood, Mogadishu.
25/06/2026
Guddoomiyaha Deegaanka Shalaambood, Mudane Nuur Cismaan Raage, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka shalaambood, isagoo xusay in maalintan ay astaan u tahay halgankii gobannimada iyo midnimada dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay shacabka inay adkeeyaan wadajirka, difaaca madax-bannaanida iyo ilaalinta nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon oo horumarsan, isla markaana loo maamuuso halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda dalka.
25/06/2026
Guddoomiyaha Deegaanka Shalaambood, Mudane Nuur Cismaan Raage, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardaydii maanta u soo dhammaatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta intii uu socday imtixaanku, isagoo ardayda u rajeeyay guul, horumar iyo inay helaan natiijooyin wanaagsan.
Ciidamada amniga oo howlgal ballaaran ka sameeyay duleedka Shalaambood si loo xoojiyo nabadgelyada.
Maamulka Deegaanka Shalaambood ayaa gurmad bani'aadamnimo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada ku nool duleedka deegaanka, kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da'ay halkaasi.
23/06/2026
Maamulka Deegaanka Shalaambood, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Deegaanka Shalaambood, Mudane Nuur Cusmaan Raage oo kaaashanaya Taliyaha Ururka 62-aad ee Guutada 6-aad, Gaashaanle Faarax Weyn, ayaa gurmad bani'aadamnimo gaarsiiyay bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku nool duleedka Deegaanka Shalaambood, gaar ahaan dhinaca bari ee magaalada, kuwaas oo ay saameyn xooggan ku yeesheen roobabkii ka da'ay deegaanka.
Bulshada xoolo-dhaqatada ah ayaa la gaarsiiyay baco ay uga gaashaantaan roobka, si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka.
Shacabka ka faa'iideystay gurmadkan ayaa si weyn ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Deegaanka shalaambood Mudane Nuur Cusmaan Raage iyo Taliyaha Ururka 62-aad ee Guutada 6-aad, Gaashaanle Faarax Weyn, iyagoo bogaadiyay sida ay garab istaagga ugu muujiyeen bulshada ay saameeyeen roobabku.
Guddoomiyaha Degmada Marka Mudane Caddaani Axmed Diiqoow Ayaa Daahfuray imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12aad Asigoo sheegay in waxbarashadu tahay tiirka horumarka bulshada.
20/06/2026
Soomaaliya: In ka badan afartan iyo afar kun oo ardayda dugsiyada sare ah ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Qaran ee shahaadiga
Guddoomiyaha Deegaanka Shalaanbood, Mudane Nuur Cusmaan Raage, ayaa natiijo wanaagsan u rajeeyay ardaydii maanta soo gabagabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, gaar ahaan ardayda Shalaanbood.
18/06/2026
Guddoomiyaha Deegaanka Shalaanbood, Mudane Nuur Cusmaan Raage, iyo Taliyaha Ururka 62-aad ee Guutada 6-aad, Gaashaanle Faarax Weyn, ayaa ka qeybgalay munaasabaddii lagu soo xirayay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, kaas oo maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay.
Mas’uuliyiinta ayaa hambalyo u diray dhammaan ardaydii u fariisatay imtixaanka, iyagoo si gaar ah ugu rajeeyay ardayda Deegaanka Shalaanbood iyo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed guul iyo natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya dadaalkii ay muujiyeen intii uu socday imtixaanku.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Telephone
Website
Address
Mogadishu