29/08/2026
Warbixin ay daabacday Africa Intelligence ayaa shaaca ka qaadday in hoggaanka xoogagga gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF), oo uu ugu horreeyo taliye Hemedti iyo walalaahiis ay xiriir amni oo heer sare ah oo qarsoodi ah la leeyihiin Israa’iil tan iyo intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suudaan.
Walaalaha Hemedti oo kala ah Abdul Rahim iyo Algoney ayaa booqashooyin ku tagay Tel Aviv bishii Maajo 2025 iyo Febraayo 2026, Intii ay joogeen halkaas waxa ay la kulmeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil iyo xubno ka tirsan sirdoonka Israa'iil
RSF ayaa horay loogu xiriiriyay isticmaalka teknoolajiyadda basaasnimada ee Israa’iil, oo ay ku jirto qalabka jabsada taleefannada, kaas oo la sheegay in loo soo dhiibay RSF-ta ka hor inta uusan dagaalku billaaban.
Inkastoo xiriirkan uu jiro, warbixintu waxay cadaysay in taageeraha ugu weyn ee dhaqaale iyo mid milatari ee RSF uu weli yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).
29/08/2026
Warbixin ay qortay majaladda Jeune Afrique ayaa sheegaysa in isku-day afgambi uu ka socdo dalka Niger, iyadoo ciidamo ka tirsan milatariga oo ka kala yimid saldhigyo goboleedyo ay habeenimadii xalay u soo ruuqaansadeen caasimadda dalka ee Niamey.
Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaaminaya kacdoonkan ayaa bartilmaameedsaday xarunta madaxtooyada, idaacadda qaranka, iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori-Hamani.
Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay iska caabbiyaan weerarkii lagu qaaday madaxtooyada, inkasta oo weli dagaallo ay ka socdaan hareeraha Saldhigga Cirka ee 101.
Caasimadda ayaa la soo warinayaa inay ka jirto xiisad xooggan, iyadoo dadweynaha ay dareemayaan walaac ku aaddan mustaqbalka maamulka dalka.
29/08/2026
Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF) iyo ciidamada gobolka Oromia ayaa lagu eedeeyay inay sii wadeen weerarrada ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada iyo hantidooda ku nool gobolka Oromia.
Kaniisadda Andode-Qidist-Selassie oo ku taalla aagga East Wollega ee gobolka Oromia ayaa weeraray xilli ay ka socdeen cibaadada qurafaadka ah.
Weerarkan ayaa sababay dhimashada dad rayid ah oo badan, oo ay ku jiraan maamulihii kaniisadda iyo dhowr shaqaale oo kale.
Warbixinnada ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaalaha kaniisadda la afduubtay, la jirdilay, oo la bahdilay ka hor inta aysan ciidamada dowladda federaalku fulin dilkooda.
Weerarradan ayaa qayb ka ah xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya qowmiyadaha, iyadoo dadka rayidka ah ee Amxaarada ay wajahayaan xaalad amni oo aad u xun gudaheeda gobolka Oromia.
28/08/2026
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shaaciyay in Israa’iil ay aag amaan ah (security zone) ka samaysatay koonfurta Suuriya, taas oo uu ku sababeeyay cabsida laga qabo in ay halkaas ka soo duulaan kooxo islamiyiin ah
Netanyahu ayaa qirtay in Turkigu uu h**ey u joogay waqooyiga Suuriya, balse wuxuu si adag u yiri "Ma doonayo inaan arko Turkiga oo u soo dhaqaaqaya xagga koonfurta."
Wuxuu tilmaamay in xaaladda ay hadda is beddeshay, gaar ahaan ka dib markii uu Turkigu qorsheeyay inuu saldhig milatari ka samaysto deegaanka *Abu al-Duhur*.
Netanyahu wuxuu sheegay in Israa’iil ay digniino u dirtay Suuriya iyo Turkiga iyadoo adeegsanaysa Maraykanka iyo waddooyin kale oo diblomaasiyadeed, balse "farriinta aan la aqbalin."
Waxa uu qiray in Israa’iil ay adeegsatay awood milatari (kinetic ways) si ay u muujiso mowqifkeeda kaddib markii diblomaasiyadda ay miro-dhalin weyday.
28/08/2026
Korneel Nochi Mendel, oo ahaa sarkaalkii bixiyay amarkii duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sanadkii 2024 lagu dilay Zomi Frankcom oo u dhalatay dalka Australia iyo lix shaqaale kale oo ka tirsanaa hay'adda *World Central Kitchen* (WCK), ayaa shaaca ka qaaday inuu weli ku taagan yahay go'aankiisa.
Wareysi uu siiyay idaacadda Australia ee ABC, Mendel wuxuu ku sheegay inuu isagu ahaa taliyihii bixiyay amarka, wuxuuna si cad u sheegay inuusan ka xunayn ficilkaas.
Wuxuu ku dooday in hay’adda "World Central Kitchen" ay xiriir la lahayd Xamaas, taasna ay ka dhigayso hay’ad aan "dambi leh" oo aan loo aqoonsan karin mid samafal oo nadiif ah.
Mendel ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu helay in uu galay khaladaad iyo ku-xad-gudub dhanka habraaca milatari ah oo horseeday weerarkaas.
28/08/2026
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Koonfur Kuuriya, Wi Sung-lac, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay taageersan tahay qorshaha Madaxweyne Trump ee ku aaddan dib-u-bilaabista wadahadallada lala yeesho dalka Kuuriyada Waqooyi.
Si kastaba ha ahaatee, Seoul waxay cadaysay inay muhiim tahay in la sugo amniga dalkooda iyo in aan geeddi-socodka wadahadallada laga reebin.
28/08/2026
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo uu Mustafa Khalil Cabdi, oo loo yaqaan Mazloum Abdi (taliyihii h**e ee xoogagga SDF), ugu magacaabay inuu noqdo lataliye xagga siyaasadda ah.
Magacaabiddan ayaa si rasmi ah u dhammaystiraysa tallaabadii Mazloum Abdi ee ahayd inuu ka soo wareego hoggaaminta milatariga ee SDF kuna biiro dhanka siyaasadda dowladda Suuriya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah heshiis ballaaran oo lagu doonayo in lagu mideeyo xoogagga kala duwan ee dalka, iyadoo la midaynayo maamulka iyo siyaasadda dalka Suuriya.
Magacaabistaan ayaa calaamad u ah bilowga bog cusub oo ku saabsan xasilinta dalka, iyadoo hoggaamiyeyaal h**e oo mucaarad ahaa lagu darayo qaab-dhismeedka maamul ee dowladda dhexe.