01/07/2026
Harry Kane ayaa Kaalinta Lixaad ka soo Fariistay Caawa Cayaartoyda ugu goolasha badan Koobka Adduunka .
welcome to Captian Codey
01/07/2026
Harry Kane ayaa Kaalinta Lixaad ka soo Fariistay Caawa Cayaartoyda ugu goolasha badan Koobka Adduunka .
26/06/2026
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa gaaray dalka Kuwait, kadib martiqaad rasmi ah oo uga yimid Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta dalka Kuwait Sheekh Axmed Al-Yuusuf.
Garsoore Cumar Cartan ayaa loo xushay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka u dhexeeya Kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, kaas oo la Cayaari doono 29-ka Juun 2026 kana tirsan kulamada ugu dambeeya ee horyaalka Zain Premier League.
Cumar Cartan Markuu gaaray Kuwait waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Cabdullaahi Maxamed Sheekh masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait iyo wakiillo ka socday shirkadda Al Shaayic.
23/06/2026
CR7 ayaa noqonaya ninka kaliya ee gool ka dhaliya 6 koob adduun oo kala duwan.
Caawo Odayga waa ufadhisaaaa
23/06/2026
Kylian Mbappé ayey ku qaadatay inuu 16 gool ka dhaliyo Koobka adduunka 16 Kulan oo Kaliya halka Lionel Messi inuu Koobka adduunka ka dhaliyo 18 gool ku qaadatay 28 Kulan.
20/06/2026
Xiriirka kubbadda cagta ee dalka Kuwait ayaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan u xushay in uu dhex dhexaadiyo kulanka k**a dambaysta ah ee horyaalka Zian Premier League kaas oo 29ka bishan June dhex mari doona kooxaha Kuwait SC iyo Qadsia SC.
Warbaahinta Kuwait Times ayaa sheegtay in ciyaartani tahay mid xamaasad leh oo si weyn isha loogu hayo.
Waa cayaartii labaad ee caalami ah ee loo Xusho Garsoore Cumar Cartan tan iyo markii bishan horraanteedii loo diiday in uu galo waddanka Maraykanka.
16/06/2026
Calanka Boqortooyada Sucuudi Careebiya 🇸🇦 ayaa noqday kan keliya ee aan dhulka la dhigin tartanka koobka Adduunka 2026 Towxiidka dartiis.
16/06/2026
Waxaaa La Hayaaa Wiilkan Yarkaa oo soo lumay fadlan Cidii uu ka Maqan yhy Ha Ila soo xariiraaan
13/06/2026
Xulka Kubadda Ingiriiska ayaa Mareykanka lagaga xaday kabihii iyo agab-yadii kale ee ciyaareed xilli ay ku sugnaayeen Kansas City, sida uu weriyey The Guardian oo tibaaxay in ay isa soo tarayso fadeexadda Koobka Adduunka 2026.
Bal daawo sida loola dhaqmayo Xulalka Senegal iyo Uzbekistan markey galayeen Mareykanka.
Uzbekistan 🇺🇿 oo markii ugu horeysay Taariikhda ka qeyb galeysa Koobka adduunka waxaa Tababare u ah Fabio Cannavaro oo Italy 🇮🇹 u qaaday Koobkii adduunka sanadii 2006dii kadibna ku guuleystay abaalmarinta Laacibka Kubadda Cagta adduunka,asagoona shaqadaan tababarenimo qabtay October 2025.
10/06/2026
Wadamo badan ayaa casuumaado u fidiyay Garsoore Cumar Cartan haddii uu aqbalo, Wadamada ilaa hadda la shaaciyay waxaa ka mid ah:
🇨🇦 Canada
🇶🇦 Qatar
🇸🇦 Sacuudi Carabiya
🇬🇠Ghana
🇬🇧 Boqortooyada Midowday (UK)
🇪🇸 Spain
🇦🇺 Australia
Casuumaadahan ayaa la xiriira inuu khudbado iyo duruus ku saabsan garsoorka iyo isboortiga ka jeediyo jaamacado iyo xarumo ciyaareed oo ku yaal dalalkan. Sidoo kale maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya wadamada danaynaya martiqaadkiisa.