Kooxda Hayaan Football Club

Kooxda Hayaan Football Club

Share

Hayaan Academy Waa Mid Ka Mida Akadamiyad Ugu Facaweyn Caasimadda Hargeisa. Champions πŸ†πŸ†πŸ†πŸ†

14/07/2026

FRIENDLY MATCH

⚽ HAYAAN FC 𝐯𝐬 WAHIIB FC

πŸ—“οΈ πƒπšπ­πž : 15 - 𝐀𝐩𝐫𝐒π₯ -πŸπŸŽπŸπŸ”
🏟️ Garoonka : Guryosamo Stadium
⏰ Saacad : 4:00 PM

10/06/2026

Mahadsanid Gudoomiye Degmada M-Haybe Marnaba lama aqabalayo in dhulka degmada ee sports ka lagu Soo xadgudbo, guumiyaha degmada aad bu ugu mahad sanyahay talaabada deg deg ah ee uu saaka ka bixyay

09/06/2026

Horumarka sports-ku ma aha arrin lagu kala hormariyo degmooyin gaar ah, balse waa xuquuq ay wada leeyihiin dhammaan dhalinyarada ku dhaqan caasimadda. Nasiib darro, Maanta waxa muuqata in Degmada M-Haybe ay ka hadheen horumarka dhinaca sports-ka, halka degmooyin kale si xawli ah loogu dhisayo loona tayaynayo garoomo casri ah.

Su’aasha taagan waxay tahay: Aaway matalaaddii wasiirrada iyo masuuliyiinta u xilsaarnaa Degmada M-Haybe ? Maxay uga aamusan yihiin kala duwanaanshaha muuqda ee ku yimid horumarinta sports-ka ? Waxa muuqata in matalaaddii lagu aaminay ay ku fashilantay inay difaacdo xuquuqda dhalinyarada iyo baahiyaha Degmada M-Haybe.

Xukuumadda Madaxweyne Cirro, iyaduna waa inay si cad uga jawaabtaa dareenka isa soo taraya ee ku saabsan kala jaceylka degmooyinka caasimadda. In la dhiso garoomo cusub waa arrin mudan soo dhoweyn iyo bogaadin, balse waa in si siman oo caddaalad ku dhisan loo wada gaadhsiiyo dhammaan degmooyinka. Horumar ku kooban meelo gaar ah ma noqdo mid waara, mana dhiso kalsooni bulsho.

Waxaa ceeb iyo Masuuliyad darro ah in Degmada M-Haybe oo muhiim ah laga dareemo dayac iyo dib u dhac, halka miisaaniyad iyo mashaariic lagu hormarinayo kuwo kale. Dhalinyarada Degmada M-Haybe ma mudna in laga reebo fursadaha ay helayaan dhiggooda degmooyinka kale.

Sidoo kale, Garoonka Guryosamo iyo M.A.Ali iyo Saylada Waxay baahi wayn u qabaan dhalinyarada Degmada M-Haybe. Xukuumaddu waa inay ballanqaad cad ka bixisaa dhismaha 3-Garoonka, islamarkaana hawshiisa iyo ballanqaadkiisa la sammeeyo.Dib u dhac dambe ma aqbali karno. Waa in degdeg loo bilaabo 3-garoonka.

17/05/2026

Hambalyo maalinta qaranimada Somaliland 18 May

Waxaan dhammaan shacabka Somaliland ugu hambalyeynayaa sanadguurada 35-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland.

Maalintani waa maalin qiimo weyn u leh Qaranka Somaliland, kuna suntan midnimo, geesinimo iyo horumar.
Alle ha inoo barakeeyo dalkeenna.

πŸŽ‰ Happy 18 May Taageerayaasha,ciyartoyda kooxda Baanka JSL

Photos from Astaan Construction Company's post 11/04/2026

waan Idiinka Mahadnaqayaa garab istaaga aad usamayseen Kooxda.

28/03/2026

KULAN SAAXIIBTINIMO MAANTA.

HAYAAN FC πŸ†šοΈ C.Y.C FC.

Kulan Saaxiibtinimo Oo Maanta Sabti Dhex Mari Doona Kooxaha Hayaan Fc Iyo C.y.c Fc.

Kulankan oo Ka qabsoomaya Garoonka Dhalinta Stadium 🏟

⏰️ 4:00 Pm

19/03/2026

Ciid Mubaarak.

Waxa aan si kal iyo laab ah idiinku hambalyeynayaa Munaasibadda farxadda ee Ciid Al-Fitriga 1447H, anniga oo dhammaantiin idiin rejaynaya bashbash, barwaaqo, caafimaad qab, iimaan sugan iyo yaqiin saalix ah.

13/03/2026

Qayb kamid ah Laacibintii kooxda oo ku kulmay Garoonka M.Mooge Ee Ramadan Cup Heerka 2-AAD ✊πŸ’ͺ

M.Mooge Stadium 🏟️

06/03/2026

Our Team Hayaan Football Club

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Hargeisa Dagmada M/Haybe
Hargeisa
252