20/03/2026
Waxaa si rasmi ah noogu soo dhammaaday tartankii isdhexgalka dhalinyarada ee xaafadda New Power Ramadan Cup, oo ahaa tartan si wanaagsan loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen kooxo kala duwan. β½
Ciyaartii final-ka waxaa fooda is daray labada koox ee kala ah Napoli FC iyo Horseed, waxaana ugu dambeyn koobka ku guuleystay Horseed kadib markii ay ku qaadeen rigoorayaal, ciyaar aad u xiiso badneyd kadib.
Xafladdii xiritaanka waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, saraakiil ka tirsan Dowlada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo si weyn u dhiirrigeliyay dhalinyarada.
Ugu dambeyn, tartankan wuxuu noogu soo dhammaaday si qurux badan, isagoo muujiyay wadajirka, kartida iyo horumarka dhalinyarada xaafadda New Power.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxaha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ka qayb qaatay guusha tartankan. πβ½
25/02/2026
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 24/2/2026, waxaa si rasmi ah noogu furmay tartanka xiisaha badan ee Ramadan Cup, oo ah koobkii sanadlaha ahaa ee ay soo qabanqaabisay New Power, kana furmay Garoonka Puntland Stadium.
Kulankii furitaanka waxaa fooda is daray labada koox ee kala ah:
Napoli FC π Caanakadhan
Ciyaar aad u xiiso badan kadib, Napoli FC ayaa 4β2 kaga badisay dhiggeeda Caanakadhan, waxaana ay ku bilaabatay tartanka 3 dhibcood oo muhiim ah.
Waxaan rajeyneynaa in tartankani si qurux badan inoogu socdo, uguna soo dhammaado jawi tartan iyo isxushmad leh.
Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa walaalkeen
Abdiqani Mohamud Abdullahi (Qoryood)
oo ku sugan dalka Liibiya, inuu hamigiisa u rumeeyo una sahlo himiladiisa.
Dhamaad
21/02/2026
π New Power Ramadan & ramadam Cup 2026!
Sanadkan, tartanka New Power Ramadan Cup oo qeyb ka ah Koobka Sanadlaha ah ee xaafadda New Power, sanadki 4-aad, ayaa la qaban doonaa!
β½ Kooxaha ka qeyb galaya: Dhalinyarada xaafadda oo dhamaantood xiiso u leh tartanka
π― Rajada: Tartanku inuu si qurux badan u furmo, u socda, uguna dhammaado hab sharaf leh
π₯ Ujeedada: Dhalinyarada isku xira, ciyaar wacan iyo madadaalo la wadaago
π Ku soo biir, la daawado, oo la madadaasho!