Mr Ahmed mohamud

Mr Ahmed mohamud

Share

Political Analysis | Economic Insights | Social Issues | Psychology & Human Behavior | Research Enthusiast

24/07/2026

Halkaan ayay guul-darrooyinku ka bilowdaan

Waxaa la sheegay in faylasuufkii Socrates uu lahaa deris dhakhtar ah. Hasa'ahaatee Dhakhtarkaas ayaa ka cawday in boqorku Socrates ugu yeedho "dhakhtarka ugu wanaagsan"(the best Doctor).

Boqorkii ayaa yidhi:

"Sidee baad u caddayn kartaa inaad isaga soctrates ka xirfad badan tahay bal si aan adiga oo dhakhtara magacaas kuugu wareejiyo?"

Dhakhtarkii wuxuu yidhi:

"Waxaan siin doonaa sun, isaguna ha i siiyo sun. Qofkii iskiis isu daweeya ayaa mudan magacaas."

Socrates waa uu aqbalay, boqorkuna wuxuu u qabtay mudada tartanka afartan maalmood ka dib.

Socrates ismaba dhibine wuxuu keenay saddex nin oo xoog badan, wuxuuna ku amray inay maalin kasta biyo ku shubaan weelal, dabadeedna si cod dheer leh u garaacaan, si uu dhakhtarku u maqlo. Arrintaas waxay socotay afartan maalmood.

Markii la gaaray maalintii ballanta, Socrates wuxuu cabbay wixii dhakhtarku u sheegay inay sun tahay. Midabkiisii wuu is beddelay, qandhona way qabatay, balse saacad gudaheed ayuu is daweeyay.

Kadibna Socrates wuxuu siiyay dhakhtarkii dhaladii uu u maleeyay inay tahay sunta la diyaarinayay afartankii maalmood ee uu maqlayay. Markii uu cabbay, isla markiiba wuu dhacay oo wuu dhintay.

Markaas Socrates wuxuu boqorkii ku yidhi:

"Waxaan siiyay oo keliya biyo nadiif ah. Xitaa anigu hadda waan kaa hor cabbayaa."

"Anigu ma aanan dilin, Boqorow. Waxa dilay waa male-awaalkiisii, cabsidiisii, iyo fikirkii uu naftiisa ku beeray."

Casharka sheekada: Mararka qaar guuldarrada ugu weyn k**a timaaddo waxa dibadda ka jira ee gudahaaga; balse waxay ka timaaddaa cabsida iyo fikirka taban ee maskaxdeennu samaysato.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Garowe