28/08/2026
Wasaarada maaliyada oo gudoonsiisay cabdilaahi eng-ka man of the match labadii ciyaarood ee u danbaysay qaab-ciyaareedkiisa oo aad u sareeyey awgeed.
Like share and follow
28/08/2026
Wasaarada maaliyada oo gudoonsiisay cabdilaahi eng-ka man of the match labadii ciyaarood ee u danbaysay qaab-ciyaareedkiisa oo aad u sareeyey awgeed.
28/08/2026
Live'kii Ceerigaabo Oo lala Goostay!
27/08/2026
qaybta 2aad
D.H.C 2-0 W.H.C
27/08/2026
?
27/08/2026
D.H.C 2-0 W.H.C
27/08/2026
FULL-TIME
26/08/2026
Haddii aynu rabno in aynu si dhab ah u qiimayno heerka horyaalka kubbadda cagta ee Cerigaabo, waa in aynu fahamnaa in koox nidaamsani aanay ku dhisnayn ciyaartoy iyo garoon oo keliya, balse ay ku dhisan tahay kala dambayn, masuuliyad iyo shaqooyin si cad loo kala leeyahay. Maamulka iyo waaxda farsamadu waa inay yeeshaan separation of responsibilities: guddoomiyuhu ha hoggaamiyo jihada guud, maamulka iyo horumarinta kooxda; tababaruhuna masuul ha ka noqdo dhinaca farsamada, tababarka, tactics-ka iyo go'aanka cidda ciyaarta bilaabaysa.
Haddaba su’aashu waxay tahay: halkee ayay ku dhammaanaysaa awoodda maamulka, halkeese ayay ka bilaabmaysaa masuuliyadda tababaraha? Haddii maamulka si joogto ah ugu lug yeesho lineup-ka, boosaska ciyaartoyda ama cidda ciyaarta bilaabaysa, waxa dhaawacmaya kala dambayntii iyo nidaamkii kooxda.
Ciyaaryahan si fiican u tababarta khasab ma aha inuu ciyaar kasta bilaabo. Tababaruhu wuxuu eegayaa tactics, opponent-ka, fitness iyo xaaladda ciyaarta. Laakiin haddii go'aankaasi ka dhasho cadaadis ama faragelin aan farsamo ahayn, dhibaatadu kuma eka ciyaaryahanka kursiga keydka ku jira; waxay dhaawacaysaa motivation, discipline iyo competitive culture-ka kooxda.
Sidoo kale, haddii tababaraha laga qaado awooddii uu ku gaadhi lahaa go'aannada farsamo, yaa lala xisaabtamayaa marka natiijooyinku xumaadaan? Maamulku ma wada qaadan karaa go'aanka ciyaarta, haddana tababaraha keliya ma lagu eedayn karaa guuldarrada?
Tani ma aha oo keliya dood u dhexaysa guddoomiye iyo tababare; waa arrin ku saabsan nidaamka iyo mustaqbalka kubbadda cagta Cerigaabo. Ciyaaryahanku waa inuu fursaddiisa ku kasbadaa karti iyo waxqabad, tababaruhuna waa inuu haystaa authority uu ku qaato go'aankiisa, maamulka kooxduna waa inuu fahmaa in hoggaamintu aanay ahayn in shaqo kasta gacanta lagu hayo.
Guddoomiyuhu waa inuu kooxda hoggaamiyaa, tababaruhuna waa inuu ciyaarta hoggaamiyaa. Marka xuduudahaas la isku dhex daro, waxa dhaawacmaya nidaamka oo dhan.
Haddii nidaamku si sax ah u shaqayn waayo, waxa waajib ah in la saxo qaabkii shaqadu u socotay: masuuliyad kasta ha yeelato ciddeeda, go’aan kastana ha yeesho cidda qaadaysa masuuliyadda. Haddii kale, faragelintu waxay dhalinaysaa jahawareer, eex iyo kalsooni-darro, halka xalkeeduna yahay nidaam, caddaalad iyo isla-xisaabtan.
Ugu dambayn, koobka mar walba ma qaado kooxda haysata ciyaartoyda ugu magaca weyn. Waxaa fursad weyn leh kooxda leh nidaamka ugu wanaagsan, go'aannada ugu caddaaladda badan iyo masuuliyadaha sida saxda ah loo kala leeyahay. Kubbadda cagtu mararka qaar nasiib ayay ku guulaysataa, laakiin horyaalka oo dhan nasiib laguma qaado.
Eng beder salepan
26/08/2026
Qawiro Qaybta 2AAD
Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan
26/08/2026
Qawiro Qaybta 1AAD
Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan