Somali Community in Mozambique

Somali Community in Mozambique

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Community in Mozambique, Mogadishu.

11/08/2026

Ogeysi muhiim ah masuulka ugu sarreeya hayada qaxootiga ee gobalkan nampula aya jaliyadda somalida kula ballansan hotel lurio sabti 15hra 15/Agoosto fadlan kaso qeyb-gal si aan u gudbino cabashada dadka sharciga ku dhiban ee dariiqyada askarta u taaganyihiin

Mahadsanidiin

02/07/2026

Ogeysiis muhiim ah oo ku socda jaliyadda somalida ee ku nool dalkan Mozambique,

Mamulka jaliyadda somalida ee ku nool dalkan Mozambique wuxu ku wargelinaya dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan ee ku nool dalkan in la qabbanayo xaflad lagu weyneynayo maalmaha qiimaha baddan ee aan ka xurownay heryadi gumeysiga

Todobaadka xurriyadda oo sida caadada ah ay somalida gudaha iyo kuwa qurbaha ku nool ku muujiyaan midnimo iyo calanka, ciidda oo ka xurowday gumeystaha ayay madaxda jaaliyadda somalida ku nool dalkan Mozambique waxay go'aan ku gaareen in sanadkan ay somalida Mozambique sidi h**e ka duwanaato

Xafladda aya ka dhici doonto hoolka xafladaha ee Copacabana ee magalada nampula fiidnimada Sabtida oo ay axadda so galeyso, 04/07/2026, 18:30pm

Haddaba qofkasta oo somali ah oo deggan gobalkan Nampula iyo nawaaxigeeda waxa si sharaf leh looga codsnaya in uu kaso qeyb-galo islamarkaana uu kaalintiisa ka qaato isaga oo ilaalinaya waqtiga iyo habsami-osocodka xafladda

Mahadsanidiin,

15/06/2026
19/03/2026

Gudomiyaha jaliyadda Somalida Mozambique aya hambalyo u diray dhammaan ummada somaliyeed meel walba oo ee dunida ka joogaan gaar ahaan jaaliyadda ku nool dalka Mozambique

Ciidul caafiya
Ciid wanagsan
Ku ciida

Kullu caam wa antum bilkheyr

Photos from Somali Community in Mozambique's post 27/12/2025

MAHADCELIN,
الحمد لله
Marka h**ee allah ayaa mahadleh subxanahu wa tacaala in oo fududeeyay diritanka wlaalki dhibtu soo gartay
waxaan sidoo kale mahad, qaddarin iyo duco aan la koobi karin u dirayaa dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee muujiyey damiir nool, qalbi naxariis leh iyo somalinimo dhab ah, xilligii uu dhaawacmay wiilkeennii musaafirka ahaa ee uu haleelay shilkii naxdinta lahaa

Maalintaas adag marka uu wiilku ahaa keligiis, dalkuna uu ahaa mid qalaad, qalbiyadiinna ayaa u noqday hoy, gacmihiinna waxay u noqdeen garab. Oohintiisii waxaad u beddesheen duco, cabsidiisiina waxaad uga dhigteyn rajo, kalinimadii siina waxaad uga dhigteyn walaaltinimo dhab ah. Falka aad muujiseen ma ahayn kaliya gargaar; wuxuu ahaa farriin nool oo muujinaysa in qof Soomaaliyeed uusan waligiis kali ku noqon meel kasta oo uu dunida ka joogo.

Waxaad dib u soo nooleyseen ruuxdii somalinimada
in walaalkaaga aad u istaagto adigoon weydiin qabiil, magac ama dano kale; in aad murugada la qaybsato, farxaddana la wadaagto. Tani waa dhaxalka aan leenahay, waana waxa inaga dhigaya bulsho sharaf leh, meel kasta oo aan joogno.

Qoraalkan sidoo kale waa baraarujin qalbiyeed in aynaan waligeen illoobin in midnimadeennu tahay badbaadadeenna, in kala fogaansho iyo danaysi ay dhaawac u geystaan sumacadeena Maanta wuxuu ahaa wiil musaafir ah, berri wuxuu noqon karaa midkeenna anaga
Sidaa darteed, ha noqoto jaaliyaddeennu mid mar walba u furan gargaar, naxariis iyo walaaltinimo dhab ah.

Ugu dambayn, waxaan mahad gaar ah u dirayaa qof walba oo gacan, hadal, duco, dhaqaale ama waqti ku bixiyey gargaarkan. Ilaahay ha idinka abaalmariyo, hana idiinka dhigo kuwo qalbiyadoodu mar walba u furnaadaan walaalahooda.

Ilaahay ha caafiyo wiilkeennii dhaawacmay, hana u fududeeyo axwaa shiisa . Hana naga dhigo kuwo mar walba ku mideysan wanaag, naxariis iyo somalinimo aan marnaba dhiman
Gulesta walalayal somalinimadu ha waarto

Mahadsanidiin dhammaantiin,

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Mozambique

Ali Osman Rage

27/12/2025

Ogeysis ogeysis ogeysis,

Jaliyadda somalida Mozambique Waxa ee ku wargelineysa muwaadinkasta oo somalia ah oo ku nool dalkan Mozambique islamarkaana sugayay bassaport-ka somaliga in uu la xiriro numberkan

866533888, Mocalim Cukashe

Mahadsanidiin,

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu