Madaja Sports24

Madaja Sports24

Share

Welcome to Madaja Sports24, Watch all Soccer Highlights Jubaland Football, Daily News, Videos, Info

04/09/2026

🎥 Muuqaal qurux badan oo laga duubay Garoonka Waamo ee Kismaayo, kulankii galabta dhexmaray labada kooxood ee Kisima iyo Dekedaha.

04/09/2026

Guddoomiye Cali Shiine oo si rasmi u furay Horyaalka Heerka Labaad ee Somali Division 1️⃣ 2026.

04/09/2026

Halyeeyadii kubbadda cagta lama illoobo!

Waxaan galabta garoonka ku kulannay halyeeyga Sahal Daadir Xaange (Alkuud), oo ahaa daafacii mayalka adkaa ee kooxda Al-Hilal. Sahal waxa uu ka mid ahaa daafacyadii looga cabsan jiray garoomada, waxaana lagu xusuustaa adkaysigiisii, kartidiisii iyo difaaciisii adkaa ee uu kaga dhex muuqan jiray kubbadda cagta.

Waxaa farxad iyo sharaf noo ahayd inaan maanta garoonka ku aragno halyeeygan, isagoo u soo daawasho tagay kulankii xiisaha iyo xamaasadda lahaa ee dhex maray Kisima iyo Dekedaha.

Halyeeygu wuu fariisan karaa, laakiin taariikhdiisu weligeed ma lama iloobi doono. 👏🏽⚽️❤️

04/09/2026

AHMED DEEQ OO TAARIIKH CUSUB QORI KARA!

Macallinka kooxda Dekedaha, Ahmed Deeq, ayaa fursad dahabi ah u haysta inuu noqdo macallinkii ugu horreeyay ee kooxda laba koob oo isku xigta ku guuleysta.

Dekedaha ayaa haatan hoggaanka u haya horyaalka socda, waxaana haddii ay kooxda ku guuleysato horyaalka xilli ciyaareedkan, Ahmed Deeq uu taariikh ka qori karaa kubadda cagta jubbaland.

Su’aashu waxay tahay:

Ahmed Deeq ma noqon doonaa macallinkii ugu horreeyay ee Dekedaha laba koob oo xiriir ah ku hoggaamiya?

Horyaalka ayaa weli socda, indhuhuna waxay ku jeedaan Dekedaha iyo macallinkooda Ahmed Deeq.

Taariikhdu ma qormaysaa? Mise kooxaha kale ayaa qorshaha ka hor istaagi doona?

Photos from Madaja Sports24's post 04/09/2026

DEKEDAHA OO LA WAREEGTAY HOGGAANKA HORYAALKA HEERKA 1-AAD EE JUBBALAND.

Kooxda Dekedaha ayaa galabta si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Horyaalka Heerka 1-aad ee Jubbaland, kaddib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Kisima.

Kulanka oo ahaa mid ka mid ah ciyaarihii ugu adkaa uguna xamaasadda badnaa toddobaadkan, ayaa labada kooxood ku soo bandhigeen kubbad aad u wanaagsan, taas oo si weyn u soo jiidatay taageerayaashii iyo dadweynihii goobta ku sugnaa.

Dekedaha ayaa muujisay awood iyo adkaysi dheeraad ah, iyadoo ugu dambeyn ciyaarta ku soo gabagabeysay 2️⃣–1️⃣, taasoo u horseedday saddex dhibcood oo muhiim ah iyo hoggaanka horyaalka.

Guushan ayaa Dekedaha ka dhigaysa koox si weyn ugu dhow inay ku guuleysato Koobka Horyaalka Heerka 1-aad ee Jubbaland, iyadoo tartanka uu marayo heer aad u xiiso badan.

Dekedaha waxay maanta dirtay fariin cad: tartanka koobka wali iyadaa hoggaanka haysa!

DEKEDAHA-2️⃣. KISIMA-1️⃣

04/09/2026

Full-time:

DEKEDAHA-2️⃣

KISIMA-1️⃣

04/09/2026

Dekedaha-2️⃣

Kisima-1️⃣

04/09/2026

Dekedaha-1️⃣

Kisima-1️⃣

04/09/2026

Dekedaha-1️⃣

Kisima-0️⃣

Photos from Madaja Sports24's post 03/09/2026

Qaar ka mid ah sawirrada kulankii maanta.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Johor Bahru?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jalan Persiaran Sinaran Ilmu Bandar Seri Alam
Johor Bahru
81750