Ali samaan pege

Ali samaan pege Ku nool Kenya ,,, kasoo jeedaa soomaaliya. ,,kudhashy mogadisho soomaaliya,,asxaabta sharafta. Le like waa dhankiina

27/07/2026

Adoo qurbaha joogo markaad xaliimo
Soomali jooogto usoo direysid
Inaa tiligaram caan kanoqoto maad
Rabtaa
Waa yaabbe walaahi
War ragow xishooda
Gabdhaha muuqaalada qaaqaawan ka daya
Oo intaa cowradiina usoo duubtaan
Aad leedihiin waa xoolahaadii .
Subbxaanna alaah

29/01/2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKAMuqdisho, Oktoobar 12, 20...
13/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

Muqdisho, Oktoobar 12, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

DHAMMAAD.

Mohamed Dugoow,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

13/09/2025
07/09/2025
03/09/2025
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidam...
02/09/2025

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

Wafdiga Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka, iyo gaadiidka dagaalka.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso saaxiibada caalamka.

02/09/2025

Allaha U Naxariisto hooyo Faadumo Cismaan Diini oo ku Geeriyootay Isbitaalka Afgooye.

Maamo Faadumo ayaa horay looga qabtay sawir caan baxay oo ay kula jirto gabar talyaani ah oo dhul mareen ah oo lagu magacaabo Virginia Luling, isla markaana baratay cilmiga la yiraahdo
Anthropology (the Science of the humans), Virginia iyadu waxay geeriyootay sanadki 2013.

Address

Nairobi West

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali samaan pege posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share