27/08/2021
Ronaldo waxa uu aadayaa Manchester City, k**a dhigna Hazard waxa uu aaday Tottenham Hotspur amase Lampard baa wuxuu aaday Manchester City amase Gareth Bale baa wuxuu aaday Arsenal amase Tevez baa aaday Manchester City!.
Laakiin waxa ay la mid tahay Messi baa waxa uu aaday Real Madrid amase Steven Gerard baa waxa uu aaday Manchester United! Waana xaalad aanan marnaba lagu fakari karin!.
Sidaas darteed Cristiano Ronaldo waxa uu saacadaha inagu soo aadan caafimaadka ku mari doonaa magaalada Lisbon ee dalka Portugal, lana soco waxaa wakhti xaadirkaan laga dareemayaa magaalada Manchester dabaal-dagyada dilaaga halista badan ee markii la xusayo magaciisa loogu yeero Cr7 oo kusoo jihaysan naadiga faca wayn ee Manchester United 1878!!!.
F.G: Cr7 waxa uu heshiis shakhsiyan ah la gaaray kooxda Manchester United oo asbuucii ku kacaya £270,000!.
17/08/2021
Ma tahay taageere Manchester United ah? Haddii aad tahay teegeere Manchester United Ah! Adigu guushaadu waa Manchester United!.
Viva Man Utd
Haddiise aad tahay taageere naadi kale fadlan farriimaha hoose noogu reeb si aanu u ogaano naadiga ugu taageerada badan dhamaan gudaha bulshada soomaaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada!.
23/05/2021
Yar-yarka kooxda Manchester United ee ka yar 11-ka sano ayaa gankooda kooxda Stock City ku garaacay 6-3! Halka laacibka yar ee ku abtirsada laacibkii h**e ee Manchester United ee Wayne Rooney oo markii la xusayo loogu yeero Kai Rooney ayaa dhaliyay 3 gool, halka 3-da kalena uu lahaa sababtii ay ku dhasheen!.
Hadaba akhriste! Mala oran karaa: Geed walba dhacaankiisuu dhalaa?
18/05/2021
Halkaan waxaan idinkugu soo gudbinaynaa lixda ciyaaryahan ee hogaaminaya gool dhalinta Manchester United, waxaana hogaaminaya Bruno Fernandes oo dhigtay Score cusub, maadaama uu yahay wakhti xaadirkaan ninka kaliya ee dhex ka ciyaara oo dhaliyay 28 gool, sidaasna uu ku noqday wax dhex ka ciyaara taariikhda kubadda cagta england ee hal xilli ciyaareed la dhaliyo, Bruno hortiisna waxaa uu iskoorkaan u xirnaa Franka Lampard oo hal xili ciyaareed dhaliyay 27 gool, Sidaas darteed Bruno waxaan oran karaa waa hogaamiye ruuxi ah!.
2: Rashford
3: Cavani
4: Greenwood
5: Martial
6: Mctominay
Man Utd Fan!
Like & Share
15/05/2021
Bruno Fernandes oo dhaliyay goolashii uu Frank Lampard dhaliyay 2009/10 oo gabi ahaanba ahaa 27, waa isku darka dhamaan tartamadii oo dhane, halka la filayo haddii uu raxmaanku ogolaado in Bruno ciyaaraha u dhiman uu u dhigan doono dhamaan ciyaartooyda dhexda ka dagaalama waa markii loo eego horyaalka igriiskee, hadaba akhriste! Haddii aad tahay taageere reer Manchester United ah, maxaad ka filaysaa Bruno in uu dhalin karo ciyaaraha u dhiman?
Like & Share
15/05/2021
Jese Lingard waa laacibkii labaad ee ku guulaysta laacibka bisha Premier League & Goolka bisha, waa isla hal bil gudaheede, kaliya waxaa ka h**eeyay oo sidaas si la mid ah sameeyay Bruno Fernandes!.
Reer Manchester United Hanbalyo!.
15/05/2021
Antonio Valencia waxa uu ku dhawaaqay ka fariisashadiisa kubadda cagta, sidaas darteed waxaannu leenahay waad ku mahadsan tahay xusuusihii qaaliga ahaa & shaqadii wanaagsanayd ee aad u soo qabatay kooxda Manchester United, waxaanan kuu rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan!.
15/05/2021
Akhriste! Haddii aad tahay taageere Manchester United ah! Wali ma qiimaysay saxiixii uu Ed-Cavani uu ku yimid gegida Old-Trafford? Mase is leedahay waa saxiixii ugu muhiimsanaa ee aanu la soo saxiixano tan iyo xiligii uu Sir Alex Firgusan ka jaqaafiyay gegidda riyada?
Hadaba! Waxaa xaqiiqaa in Cavani uu yahay saxiixii labaad ee ugu muhiimsanaa tan iyo 2013-kii, waxaana laga hor marin karaa oo qura, halaqa reer Portugal ee markii la magac dhabayo loogu yeero Bruno Fernandes!.