Abdishakuur Shakra

Abdishakuur Shakra

Share

Waa Chanel Aadka helikarto Sports-ka Dalka iyo dibda.

Photos from Abdishakuur Shakra's post 08/27/2026

Kooxda som Gool ayaa samesay saxii labo Ciyaaryahan ah.

08/27/2026

Mahadsanid Gudoomiye, sida quruxda badan aad u hormarineyso Ciyaaraha Jubbaland, inta talada haysey, waxaa dadka Tustay in Jubbaland ay tahay Hoyga Kubbada cagta.

🏆📺 TAARIIKH CUSUB OO KUBADDA CAGTA JUBALAND AH!

Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland ayaa ku guuleystay inuu noqdo xiriirkii ugu horreeyay ee taariikhda ee Horyaalka Jubaland si LIVE ah looga daawado daafaha dunida. 🌍

Tani waa tallaabo muhiim ah oo horumar weyn u ah kubadda cagta Jubaland.

Waxaan mahad gaar ah u jeedineynaa dhammaan cid walba oo gacan ka geysatay hirgelinta arrintan, gaar ahaan Guddoomiyaha Ururka, Ahmed Abdullahi Ahmed, oo door weyn ka qaatay.

🇸🇴 Hambalyo Jubaland Football!

08/26/2026

Macalin Boo, Wuxuu fahmaa halka ay dhibaatadu ka jirto, wuxuu akhriyaa qorshaha kooxda kasoo horjeeda, kadibna wuxuu sameeyaa tallaabo taatiko ah oo ciyaarta wax ka beddesha.

Qamaarka uu sameeyo kulamada qaar ma aha nasiib waa go'aan uu ku dhisay fahamka ciyaarta iyo kalsoonida uu ku qabo ciyaartoydiisa.

Kawaran xeelada iyo Taatikada uu isticmaalo Macalin Abdiqaadir Boo

08/26/2026

MACALLIN BOO — XEELAD, AKHRIS CIYAAR IYO QAMAAR AAN CAADI AHAYN

Macallin Cabdiqaadir “Boo” inuu yahay macalinka ugu wanaagsan Jubbaland, taas maanta cidna uma baahna inay sheegto oo keliya waxaa garoonka ka marag kacaya shaqadiisa.

Kulanka kasta oo ay kooxda JCCI ciyaarto, Macallin Boo wuxuu dadka tusayaa in khibradda macallinimo aysan ahayn hadal oo keliya, balse ay tahay akhrinta ciyaarta, fahamka xaaladda iyo go’aan sax ah oo waqtigiisa la qaato.

Waxa ugu yaabka badan waa beddelladiisa. Ciyaaryahan uu kusoo daro qeybta labaad marar badan wuxuu beddelaa jihada ciyaarta, wuxuu kooxda siiyaa tamar cusub, wuxuuna keenaa natiijo laga yaabo in daqiiqado ka hor aysan muuqan.

Macallin Boo wuxuu leeyahay awood uu ku arko waxyaabo badan oo qofka caadiga ah ee daawanaya ciyaarta uusan arki karin.

Wuxuu fahmaa halka ay dhibaatadu ka jirto, wuxuu akhriyaa qorshaha kooxda kasoo horjeeda, kadibna wuxuu sameeyaa tallaabo taatiko ah oo ciyaarta wax ka beddesha.

Qamaarka uu sameeyo kulamada qaar ma aha nasiib waa go'aan uu ku dhisay fahamka ciyaarta iyo kalsoonida uu ku qabo ciyaartoydiisa.

Waxaa kale oo muuqata inuu si gaar ah u yaqaan sida loo isticmaalo ciyaaryahan cusub.

Wuxuu ciyaaryahanka siinayaa fursad uu ku muujiyo waxa uu awoodi karo, mararka qaarna ciyaaryahankaas cusub wuxuu noqdaa furaha ciyaarta.

Qiimeyn badan oo aan ku sameeyay habka uu Macallin Boo u maareeyo kooxda, waxaan arkay arrin aad u adag in la helo: macallin kulanka dhexdiisa qorshihiisa beddeli kara, haddana kooxda u horseedi kara natiijo.

Haddii aan si dhab ah u eegno kooxda JCCI, su’aashu waxay noqon kartaa:

Haddii Macallin Boo uusan kooxda hoggaamin lahayn, ma heli lahayd isla natiijooyinkan iyo isla akhriska ciyaarta?

Jawaabta waxaa bixinaya garoonka.
Macallin Boo ma aha oo keliya macallin safka h**e ciyaartoyda u diyaariya; waa macallin taatiko yaqaan, ciyaarta akhriya, beddel sameeya, qamaarka qaata, isla markaana ciyaartoydiisa ku kalsoon.

Macallin Boo ciyaarta ma daawado oo keliya, wuu akhriyaa.

JCCI koox haysata macallin garoonka dhexdiisa dagaal taatiko ah ka sameeya.

08/26/2026

Kooxda Som Gool ayaa maanta sameysay saxiix muhiim ah, kaddib markii ay soo bandhigeen goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya U-17 iyo kooxda Dekedaha.

Saxiixan ayaa la filayaa inuu wax weyn kusoo kordhiyo kooxda Som Gool.

Photos from Abdishakuur Shakra's post 08/26/2026

Kooxda Kubbadda Cagta W-Kaluumeysiga Ex Kasiima ayaa maanta sameysay laba saxiix oo muhiim ah, kuwaas oo lagu xoojinayo safka kooxda.

Abdimaalik Lucha — Daafaca booska 3
Ahmed Diini — Khadka dhexe, No.10

08/25/2026

Ninkan dhalinyarada ah, Abdi Salan Ahmed, wax badan ayaa iga muuqda marka aan eego dadaalkiisa, kartidiisa iyo hamigiisa uu ku doonayo inuu mustaqbal wanaagsan ka gaaro garsoorka kubadda cagta.

Abdi Salan wuxuu qaaday safar uu isagu is-maalgaliyey, isagoo u soo baxay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha ka qeyb qaadanaya tartanka dugsiyada ee Gobolka Banaadir.

Waa garsoore da’yar oo kasoo jeeda Reer Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo, balse dadaalkiisa iyo jacaylka uu u qabo kubadda cagta ayaa gaarsiiyey meel ka baxsan deegaankiisa.

08/25/2026

Kulanka berri ee W. Kaluumeysiga iyo JCCI OO SI LIVE AH UGA DAAWO Som Sports

08/25/2026

Kabaha uu ku ciyaaraayo Aw-eedan Dalka Bagistaan ayaa laga soo dhiibay

08/25/2026

Aw-Eedan 2000 Oo Gool ayuu dhaliyey 2 bil Gudeheeda maxaa ka aamin santahay

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Kitchener?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


38 Country Hill Dive
Kitchener, ON