24/07/2026
Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa xabsiga ka sii daysay wariye Shucayb Daad Maxamed oo lagu xiray magaalada Boosaaso Isniintii, 20-ka Luulyo 2026, kaddib markii uu baahiyay warbixinno dhaliilo xambaarsan, xilli cadaadiska lagu hayo warbaahinta uu sii xoogeysanayo.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhaweeyay sii deyntiisa, wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta Puntland inay ixtiraamaan xorriyadda warbaahinta, isla markaana ay dhowraan xuquuqda ay dammaanad-qaadeen Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.
Halkan ka akhriso: https://sjsyndicate.org/2026/07/24/puntland-intelligence-agency-releases-journalist-arrested-in-bosaso-for-critical-reporting-as-media-crackdown-intensifies/
21/07/2026
Somali Journalists Syndicate - SJS Baraarug ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan cilmiyeed looga hadlay doorka dhallinyarada, haweenka, warbaahinta iyo qeybaha bulshada ku leeyihiin wada hadallada doorashooyinka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeybgalay qeybaha bulshada magaalada Muqdisho.
18/07/2026
Weriye Maxamed Jaamac Maxamuud oo ka mid ah suxufiyiinta madaxabannaan ee Puntland, oo muddo 5 maalmood ah ku xirnaa xarunta Hay’adda Sirdoonka Puntland (PISA) ee Boosaaso, ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa.
Weriye Maxamed ayaa la xiray 14-kii Luulyo 2026, saacado kaddib markii uu tebiyey xiritaanka goobo ganacsi oo magaalada ku yaalla, kaddib markii canshuuro dheeraad ah lagu soo rogay badeecadaha ka soo degaya dekadda Boosaaso.
Sii-dayntiisa ayaa ku timid dadaallo ay sameeyeen suxufiyiinta Puntland. Somali Journalists Syndicate - SJS waxay ugu baaqaysaa dowladda Puntland inay joojiso xarigga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta, ixtiraamto xorriyadda saxaafadda, isla markaana xaqiijiso in hawlwadeennada warbaahintu ay shaqadooda u gudan karaan si xor ah, iyaga oo aan la kulmin cabsi-gelin, dhibaatayn ama faragelin sharci-darro ah.
15/07/2026
Weriye Suweys Jaamac Maxamud oo muddo 13 maalmood ah u xirnayd Booliiska Puntland ayaa goordhaweyd dammaanad looga sii daayay xabsiga dhexe ee Garowe, xilli islamaanta ay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ay ka jawaabtay is-hortaaggii uu gudbiyay qareenka weriyaha, Cabdweli Xaq-u-dirir, isla markaana ay aqbashay dooddiisa ahayd in maxkamaduhu aysan awood u lahayn qaadista iyo go’aan ka gaarista murannada la xiriira warbaahinta ee u dhexeeya dowladda, saxafiyiinta iyo dadweynaha, sida ku cad Xeerka Warbaahinta Puntland.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay dowladda Puntland ugu baaqaysaa in la baabi’iyo dhammaan eedaha aan salka lahayn ee loo haysto weriye Suweys Gacayte, oo ka mid ah suxufiyiinta ugu firfircoon deegaannada Puntland iyo in weriyeyaasha loo oggolaado inay shaqooyinkooda u gutaan si xor ah, iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin maamulka.
14/07/2026
BOOSAASO: Somali Journalists Syndicate - SJS ayaa si weyn uga walaacsan xarigga maanta, 14-ka Luulyo 2026, magaalada Boosaaso loogu geystay wariye Maxamed Jaamac Maxamuud, kaas oo noqonaya wariyihii labaad ee ay dowladda Puntland xirto wax ka yar laba toddobaad gudahood.
Maxamed waxaa magaalada Boosaaso ka qabtay ciidanka nabadsugidda Puntland ee PISA.
Maxamed Jaamac wuxuu noqday wariyihii labaad ee haatan ku xiran Puntland, kaddib markii 2-dii Luulyo la xiray wariye Suways Jaamac Maxamuud, oo weli ku xiran magaalada Garoowe, caasimadda Puntland.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay ugu baaqaysaa Dowladda Puntland inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso labada wariye ee Maxamed Jaamac iyo Suways Jaamac Maxamuud, isla markaana ay joojiso cadaadiska socda ee ka dhanka ah warbaahinta madaxbannaan.
M aha in saxaafadda loola dhaqmo sidii inay yihiin dembiileyaal, mana aha in loo xiro gudashada waajibaadkooda shaqo, oo ay ku jirto tebinta arrimaha danta guud taabanaya.
WAR SAXAAFADEEDKA OO DHAN, ka daalaco lifaaqa hoose👇🏿
14/07/2026
GAROWE: Isniintii shalay, 13-kii Luulyo, wariye Suways Jama Mohamud, oo si weyn loogu yaqaan Suways Gacayte, ayaa ka soo muuqatay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Garoowe, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay maxkamad hortagto tan iyo markii la xiray 2-dii Luulyo sababo la xiriira warbixinno ay ku baahisay baraha bulshada. Suways ayaa weli ku xiran xabsiga dhexe ee Garoowe.
Xeer-ilaalinta Puntland ayaa maxkamadda u soo bandhigtay eedeymo ay ka mid yihiin “kicin dadweyne, sumcad-dil, faafinta dacaayad, iyo baahinta waxyaabo jebinaya anshaxa saxaafadda.” Hase yeeshee, wax caddeymo ah laguma soo bandhigin maxkamadda, inkastoo xeer-ilaalintu sheegtay in caddeymaha la soo gudbin doono marxalad dambe.
Qareennada difaaca ee Suways ayaa gudbiyay ishortaag hordhac ah (preliminary objection), iyagoo ku dooday in wariyaha loo xiray oo keliya shaqadeeda saxaafadeed ee dhaliisha ah, isla markaana warbixinta iyo aragtida ay baahisay aysan ahayn fal dambiyeed.
Somali Journalists Syndicate - SJS ayaa ugu baaqaysa mas’uuliyiinta Dowladda Puntland inay joojiyaan eedeymaha lagu soo oogay wariye Suways Jama Mohamud isla markaana si degdeg ah u sii daayaan. 👇🏿
10/07/2026
MUQDISHO/ WASHINGTON: Somali Journalists Syndicate - SJS iyo Robert & Ethel Kennedy Human Rights Center ayaa war saxaafadeed wada jir ay u soo saareen maanta waxay si adag ugu cambaareeyeen falalka soo badanaya ee caburinta ee ka dhanka xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa suxufiyiinta ee Soomaaliya.
SJS iyo KHRC waxay ku baaqayaan maamulka Soomaaliya inay xaqiijiyaan deegaan ammaan ah oo ay ku shaqeyn karaan saxaafadda iyo dhowridda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, sida ay ugu waajibto xilalkeeda xuquuqda aadanaha.
"Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda waa xaqa dadku leeyihiin ee ku lug lahaanshaha maamulkooda iyaga oo adeegsanaya hadal xor ah iyo mudaaharaadyo nabdoon," ayuu yiri Ikechukwu Uzoma, Qareenka Sare ee Afrika ee KHRC. "Caburinta xuquuqdan, gaar ahaan ka dib markii la ansixiyay dastuur cusub, waa xadgudub ku aaddan hoggaamin dadka udub dhexaad u ah, sidaas darteedna waa wax la cambaareeyo."
"Saxaafadaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan asxaabtayda, ayaa si isa soo taraysa ula kulmaya hanjabaad, xabsiyo aan sharci lahayn, iyo xayirid warbaahineed isla markaana cakirnaanta siyaasadeed ee dalku ay sii adkaaneyso," ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin .
"Weerarradan ma aha kaliya duulaan ka dhan ah xorriyadda saxaafadda, laakiin waxay sidoo kale yihiin dib u dhac weyn oo ku yimaada himilooyinka dimuqraadiyadda Soomaaliya, nabadgelyada, iyo xasilloonida dalka. Aamusiinta saxaafadda madax-bannaan waxay burburisaa kalsoonida shacabka, isla xisaabtankii, iyo ka qaybgalka madaniga ah ee is dhaafsiga macluumaadka xilli dalku uu baahi badan u qabo waxyaabahan."
Mas'uuliyiinta Soomaaliya waa inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah si ay u ilaaliyaan xorriyadda saxaafadda oo ay u xaqiijiyaan in saxaafadu ay wax uga soo sheegto iyagoo aan ka cabsanayn aargoosi.
Bulshadda caalamku waa inayan aamusnaan ku sii jirin marka la eego xadgudubyadan sii kordhaya."
WAR SAXAAFADEEDKA OO DHAN lifaaqa hoose ka eeg:👇🏿
09/07/2026
SAXAAFADDU DEMBI MA AHA.
SII DAAYA SUWAYS!
Saxafiyiinta Puntland ayaa maanta isku soo bax ay caddaalad iyo xorriyad ugu dalbayaan wariye Suways Jaamac Maxamuud ka sameeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Suways waxaa la xiray 2 July 2026, waxaana tan iyo markaasi ay ku jirtay xabsiga magaalada Garowe, iyada oo aan illaa hadda la geyn maxkamad taasoo xadgudub ku ah sharciga Puntland oo dhigaya in qofkasta oo la xiro la horgeeyo maxkamad muddo 48 saacadood ah.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay ku celineysaa baaqeenii ahaa in deg deg loo siidaayo wariye Suways Jaamac Maxamuud.
09/07/2026
Climate Change, Conflict and Press Freedom: The reality of reporting in Somalia
“The reality for journalists covering climate change in Somalia—and for the communities living through its impacts—is one of overlapping crises,” Abdalle Ahmed Mumin said. “Climate reporting is not simply about weather or the environment; it intersects with conflict, displacement, poverty, governance failures, humanitarian emergencies, and restrictions on press freedom.”
Full report link below: 👇🏿
06/07/2026
Xarigga Weriye Suways Gacayte ee Puntland, Baaqa SJS iyo Walaaca Xorriyadda Saxaafadda.