13/08/2026
🎓 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎉
Maamulka, Macallimiinta & Ciyaartoyda Heliwaa Academy waxay hambalyo diirran u dirayaan Madaxa Media-da kooxda, Farxaan Mohamed Said, munaasabadda qalin-jabintiisa. 🎓👏
Waxaan kuu rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya. 🏆✨
Hambalyo Farxaan! 🎓💙
05/08/2026
Good game And great spirit ♥️🔥💫🤝⚽
10/07/2026
WAR-SAXAAFADEED
Heliwaa Academy oo u dabaaldegaysa Sanad-guuradeedii Koowaad iyo Guulihii ay Gaartay
10 Luulyo 2026 – Muqdisho, Soomaaliya
Heliwaa Academy waxay maanta si rasmi ah ugu dabaaldegaysaa sanad-guuradeedii koowaad tan iyo markii la aas-aasay 10 Luulyo 2025.
Muddo hal sano ah gudaheed, Academy-gu wuxuu sameeyaywaxay ku guuleysatay afar tartan oo ay ka qaybgaleen qeybaha kala duwan ee Academy-ga. Guulahaasi waxay ka tarjumayaan dadaalka ciyaartoyda, macallimiinta, maamulka, iyo taageerada joogtada ah ee waalidiinta iyo bahda kubadda cagta.
Maamulka Heliwaa Academy waxay u mahadcelinayaan dhammaan ciyaartoyda, tababarayaasha, waalidiinta, taageerayaasha, iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay horumarka iyo guulaha Academy-ga muddadii sanadkii ugu horreeyay.
Heliwaa Academy waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta hibada da'yarta Soomaaliyeed iyo soo saarista ciyaartoy tayo leh oo mustaqbalka matali kara naadiyada iyo xulka qaranka.
Hal sano oo guulo, horumar, iyo riyooyin rumoobay. Safarku wuu sii socdaa, guuluhuna way sii badan doonaan.
Happy 1st Anniversary, Heliwaa Academy!
02/07/2026
Congratulations
Heliwaa Academy waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Coach Abdullahi Mohamed Siciid (Macaane) oo maanta si guul leh u qaatay Shahaadada Tababarenimada CAF D License.
Guushan waxay caddeyn u tahay dadaalkaaga, kartidaada iyo sida aad uga go'an tahay horumarinta kubadda cagta. Waxaan ku kalsoonahay in aqoonta iyo waayo-aragnimada aad kororsatay ay wax weyn ka tari doonto horumarinta ciyaartoyda iyo kobcinta tayada tababarka.
Waxaan kuu rajaynaynaa guulo waaweyn, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya.
Hambalyo Coach Macaane! Guushaadu waa guusha Heliwaa Academy.
13/06/2026
Birta nool♥️🚫
Muscab Abdirahman
02/06/2026
Heliwaa Academy U16
Champions🏆💫