02/08/2026
Marka 02 August 2026
Sports Degmada Marka
02/08/2026
Marka 02 August 2026
Marka 01 August 2026
Marka 01 August 2026
Odayaasha dhaqanka Degmada marka oo. aad ugu faraxsan soo dhoweynta macalin Daadir amiin
Marka 01 August
Diyaar-garowga iyo Soo Dhaweynta Macallinka Heer Qaran, Daadir Amiin Daada
Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Maxamed Aadan Axmed, ayaa si heer sare ah u diyaariyey soo dhoweynta Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Under-17, Daadir Amiin Daada.
Soo dhoweyntan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga xulista ciyaartoyda hibada leh ee Degmada Marka, kuwaas oo fursad u heli doona inay ka mid noqdaan Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Under-17.
Ku soo dhawoow Magaalada Marka, Macallin Daadir Amiin Daada. Marka waxay kuu haysaa ciyaartoy tayo leh iyo soo dhoweyn
Marka 01 August 2026
Hadal-jeedintii Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Marka., Maxamed Aadan Axmed
01/08/2026
Marka 01 August 2026
Hordhac
Diyaar garowga Soo dhoweytna macalinka xulka qaranka Soomaaliyeed under17 Macalin Daadir Amiin
01/08/2026
Marka 01 August 2026
β½οΈ TRYOUT U-17 DEGMADA MARKA OO SI RASMI AH U BILOWDAY!
Galabta waxaa Garoonka Midnimo Stadium ka bilowday tijaabada ciyaartoyda Under-17 ee Degmada Marka, iyadoo lagu xulanayo ciyaartoyda ugu hibada badan. Tani waxay qeyb ka tahay diyaar-garowga soo dhoweynta Macalin DAADIR AMIN ALI.
Waxaan dhammaan ciyaartoyda u rajeynaynaa guul iyo nasiib wacan. ππΈπ΄
01/08/2026
π ISKU-AADKA QUARTER-FINALKA TARTANKA STS CUP 2026 β½
Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey isku-aadka wareegga Quarter-Final ee Tartanka STS CUP 2026, iyadoo kooxaha u soo gudbay ay u tartami doonaan afar boos ee Semi-final-ka.
π₯ Waa marxaladda ay koox kasta ku dagaallameyso guusha iyo u soo bixista afarleyda tartanka.
Hambalyo dhammaan kooxaha u soo gudbay Quarter-Final-ka, waxaana u rajeyneynaa tartan xamaasad leh iyo ciyaaro qurux badan.
01/08/2026
Marka 01 8. 2026
β½ Diyaar-garowga Soo Dhaweynta Macallin Daadir Amiin
Qaar ka mid ah macallimiinta kubadda cagta ee Degmada Marka iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka iyo Gobolka ayaa yeeshay kulan uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha XKC Degmada Marka, Maxamed Aadan Axmed.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta soo dhoweynta Macallin Daadir Amiin iyo xulista ciyaartoyda hibada leh ee loo xulanayo Xulka Qaranka Soomaaliyeed.
Marka waa diyaar! Soo dhowow Macallin Daadir Amiin. πΈπ΄β½
30/07/2026
Marka | 30 July 2026 πΈπ΄
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Marka, Maxamed Aadan Axmed, ayaa hoggaaminaya diyaar-garowga iyo qabanqaabada soo dhoweynta Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Under-17, Macallin Daadir Amiin.
XKC Degmada Marka, iyadoo kaashaneysa maamulka degmada, waxay ku howlan tahay diyaarinta soo dhoweyn heer sare ah oo lagu maamuusayo Macallinka. Magaalada Marko ayaa si diirran u sugaysa imaanshihiisa.
Soo dhowow Macallin Daadir Amiin, Marko waa kuu diyaar! πΈπ΄