25/04/2026
Heshiis Rasmi Ah
Naadiga Fc Al Ahli Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxiixa ciyaaryahan Abdiweli Abdinor Hassan( Licha )
Ciyaaryahanka Ayaa Kooxdiisa Cusub Qalinka Uga Duugay Heshiis 3 Sano Ah Isagoo Noqonaya Xubin Muhiim Ah Oo Ka Tirsan kooxda Al Ahli Sports Club
Kusoo dhawoow Markale Al Ahli Family.
Al Ahli Footbal Club
24/04/2026
📝SAXIIXII UGU WEYNAA SUUQA KALA IIBSIGA – OMAR ADAN ALI (AKUUKE)
Kooxda Al Ahli Football Club waxay si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee caanka ah Omar Adan Ali (Akuke) oo ka yimid kooxda Sh.Asharow FC, taasoo si weyn u gilgishey suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkaan.
Akuke waa ciyaaryahan lagu xasuusto hufnaan, hogaamin, iyo farsamo ciyaareedkii heerka sare ahaa. Waa magac ay si mideysan u qireen dhammaan taageerayaasha kubadda cagta ee degmada – mucaarad iyo muxaafidba. Waxa uu soo mataley kooxo badan guulo la taaban karana la soo gaaray, wuxuuna noqday mid dhalinyarada ay ku daydaan.
Farsamadiisa pasaska, xasilloonidiisa garoonka, iyo saameynta uu ciyaarta ku leeyahay ayaa ka dhigtey mid ka duwan ciyaartooyda kale. Dad badan waxay u arkaan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Baydhopo abid soo mara, wuxuuna hadda noqonayaa halbowlaha cusub ee Al Ahli FC.
--------
🧠 Maskaxda Dhexe ee Ciyaarta:
Akuke waxaa uu leeyahay karti aan la barbardhigi karin oo uu ciyaarta u maamulo. Waa ciyaaryahan leh akhris ciyaareed sare, taasoo u suurtagelisa inuu si fudud u jebiyo nidaamka difaacyada ka soo horjeeda. Waxaa uuna yahay mid hub u ah weerarka iyo mid gaashaan u ah daafaca.
🎯 Baasaska Dahabiga ah & Aragtida Ciyaareed ee Sare:
Farsamadiisa ciyaareed, baasaska tooska ah iyo kuwa dhexda ah ee si fiican loo cabbiray ayaa Akuke ka dhigtey ciyaaryahan caan ah. Mar kasta oo uu garoonka joogo, ciyaarta waxaa la dareemaa in lagu kalsoonaan karo oo loo hogaansamo.
🌟 Qof Ay Dhalinyaradu Ku Daydaan:
Dhalinyarada xiiseysa kubadda cagta waxa ay Akuke u arkaan halyeyga dhabta ah ee ay ku daydaan. Dhaqankiisa wanaagsan, kalsoonida uu garoonka ku muujiyo iyo dadaalkiisa aan kala go’a lahayn ayaa sabab u noqday in lagu tilmaamo:
“Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee abid Baydhopo mara.”
🔁 Isbedel & Awood Cusub oo Al Ahli FC soo gashey:
imaatanka Akuke ee kooxda Al Ahli FC waa tilmaan cad oo muujineysa in kooxda ay wajaheyso isbeddel weyn oo dhanka tayada ah. Ma ahan oo kaliya ciyaaryahan, balse waa hogaamiye, dhiirrigeliye iyo xubin maskaxeed oo koox walba u noqon karta xudunta horumarkeeda.
Saxiixa Omar "Akuke" waa guul weyn oo ay kooxda Al Ahli FC ay heshay xilli-ciyaareedkaan - ma ahan kaliya xilli ciyaareedkan balse taariikh ahaanba. Waa ciyaaryahan aysan sahal ku helin kooxuhu, waxaana markhaati u ah sida loogu kala daba dhacay helitaankiisa.
Always Cadcadka🤍🔥
20/04/2026
Heshiis Rasmi Ah
Naadiga Fc Al Ahli Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxiixa ciyaaryahan Keerad Aweize Ali ( Abuu Maalik )
Ciyaaryahanka Ayaa Kooxdiisa Cusub Qalinka Uga Duugay Heshiis 2 Sano Ah Isagoo Noqonaya Xubin Muhiim Ah Oo Ka Tirsan kooxda Al Ahli Sports Club
Kusoo dhawoow Markale Al Ahli Family.
Al Ahli Footbal Club
20/04/2026
📝DEAL DONE
Kooxda Al Ahli Football Club Waxay Si Rasmi Ah U Xaqiijisay Saxiixa Sadaq leo Ciyaaryahanka Weerarka Ka Dheela Ee Oo Ka Yimid Kooxda Fc Horseed Bay
🎯 Baasaskiisa Dahabiga ah & Aragtida Ciyaareed Ee Sare, Farsamadiisa ciyaareed, Weerarkiisa Tooska ah iyo Gool Dhalintiisa Ee Heerka Sare Ah Ayaa SADAQ Ka Dhigtey Ciyaaryahan Caan ah. Mar kasta oo uu garoonka joogo, Kulankaas Waaa Laga Dareemaa In Lagu Kalsoonaan Karo Oo Waqti Kasta Laga Fisho Inuu Farqi Sameeyo Noqdo
Saxiixa "SADAQ LEO" Waa Guul Weyn Oo Ay Kooxda Al Ahli FC Ay Heshay Xilli-Ciyaareedkaan - Ma Ahan Kaliya xilli Ciyaareedkan Balse Taariikh Ahaanba.
Dhamaan maamulka , Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Al Ahli Waxay Soo Dhoweynayaan Ciyaaryahanka SADAQ ALI CUMAR (Sadaq leo) Kusoo dhawoow Kooxda Cadcadka.
OneFamily One Club
Fc Al Ahli SPORTS CLUB
19/03/2026
Eid Mubaarak Dhamaan Muslimiinta Meel Kasta Oo Aad Caalamka Ka Joogtaan.
17/02/2026
Dhamaan umadda Islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa ugu hambalyeeneynaa curashada bisha barakeysan ee Ramadan.
Ramadaan Mubarak🌙
17/09/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh
Kooxda Fc Al Ahli Sports Club Waxay Si Weyn Uga Tacsiyeynaysaa Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timid Caalim , Aabe Sheikh Miiris Mohamed Hussein Oo Ku Geeriyooday Magaalo Madaxda Gobolka Bakool Ee Huddur.
Dhaman Mamulka Iyo Ciyartoda Kooxda Waxay Xanunka Geerida Ku Timid Aabe Sheekh Miiris Laqeybsaneyan Tababaraha Kooxda Bashiiray sheekh Miiris Waxaan Ilaahay Uga Baryeynaa Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo, Qabrigiisana U Waasiciyo.
Qoyskiisa, Ehelkiisa, Asxaabtiisa, Iyo Dhammaan Reer Sheekh Sheikh Miiris Waxaan La Wadaageynaa Murugada Iyo Tiiraanyada Geerida Aabe.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
05/09/2025
Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXFS Gobolka Bakool G/lle dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa manta agab sports soo gaarsiiyay Gudiga Xirirka Kubada cagta Degmada Xudur .
Xiriirka Kubada Cagta Gobolka Bakool , Kooxda Kubada Cagta Fc Al Ahli Football Club iyo dhamaan kooxoyinka ka dhisan deg xudur waxa uu u mahad celineynaan Taliyaha Guutada 9-aad kornreyl Yoonis sida uu garab istaagay ciyaartoyda & sida masuuliyadda leh u gartey in ciyaartoyda uu dhiirigeliyo.
24/08/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh
Kooxda Fc Al Ahli Sports Club Waxay Si Qoto Dheer Uga Tacsiyeynaysaa Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timid Aabe Osman Yeed, Oo Ku Geeriyooday Caasimada Dalka Ee Moqdisho.
Dhaman Maamulka Iyo Ciyartoda Kooxda Waxay Xanunka Geerida Ku Timid Aabe Osman Laqeybsaneyan Tababaraha Kooxda Mardo Abdiqafar Osman Yeed Kuras Waxaan Illaahay Ua Baryeynaa Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo, Qabrigiisana U Waasiciyo.
Qoyskiisa, Ehelkiisa, Asxaabtiisa, Iyo Dhammaan Rer Osman Yeed Waxaan La Wadaa geynaa Murugada iyo Tiiraanyada Geerida.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.