26/05/2026
Madaxwaynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL, Mudane Maxamuud Cabdi Aw Xirsi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa, oo ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan diinteenna suubban.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u diray guud ahaan bahda ciyaaraha JSL, oo ay ku jiraan kooxaha, ciyaartoyda, tababarayaasha iyo dhammaan hawlwadeennada Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland.
Xafiiska Warbaahinta Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL
16/05/2026
Sawiro: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay labada kooxood ee isku soo gaadhay Final-ka Tartanka 18-May ee Gobolka Awdal.
Munaasibadda waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) iyo Madaxwaynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Mudane Maxamuud Cabdi Aw Xirsi Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdilahi Jiidhe.
Madaxwaynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL oo munaasibadda hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka iyo taageerayaashii sida quruxda badan u daawanayay ciyaaraha. Waxa uu labada kooxood ee Final-ka isugu yimid kula dardaarmay ciyaar wanaag, is-qaddarin iyo isku tanaasul, isaga oo sheegay in kooxdii ku guulaysata koobka ay noqoto mid si sharaf leh loogu hambalyeeyo.
Xafiiska Warbaahinta Xidhiidhka Kubada Cagta JSl.
16/05/2026
FINAL: Goodir Vs D.H.Borama.
Tartanka Xuska 18-May ee G.Awdal
15/05/2026
Sawirada Kulankii Galabta dhex Maray Kooxaha D.H.Borama Iyo W.H.Beeraha.
Tartanka 18-may e Gobolka Awdal.
15/05/2026
Garoonka Xaaji Daahir Galab kasta waxa uu marti galiya Kumanan Tageerayaal ah.
Xafiiska Warbaahinta Xidhiidhka Kubada Cagta Jsl.
14/05/2026
𝐒𝐄𝐌𝐈 𝐅𝐈𝐍𝐀𝐋: W.H.Beeraha Vs D.H.Borama.
Tartanka Xuska 18-may ee G.awdal.
14/05/2026
SEMI FINAL: Sawirada Kulankii Galabta dhex maray Kooxaha Ganacsiga Iyo Goodir Tartanka 18-may G.awdal.
Xafiiska Warbaahinta Xidhiidhka Kubada Cagta Jsl.
14/05/2026
Garoonka Xaaji Daahir waxaa wali ka socda Tartanka Xuska 18-May oo maraya meel xiiso iyo xamaasad leh. Galabta waxa wada ciyaaray kulan ka tirsan wareegga afar-dhamaadka tartanka kooxaha Goodir iyo Ganacsiga.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Yusuf Nuux Yusuf (Tadhase) iyo Madaxwaynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Mudane Maxamuud Cabdi Aw Xirsi, oo ay wehelinayaan Badhasaabka Gobolka Awdal, Maayirka Magaalada Borama, Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Awdal iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Gobolka Awdal, ayaa si wadajir ah garoonka ugu soo dhaweeyay galabta wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Axmed Yaasiin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL.
Xafiiska Warbaahinta Xidhiidhka Kubada Cagta Jsl.
14/05/2026
Kooxda Goodir Borama aya iska xaadirisay Finalka Tartanka 18-may ee G.Awdal.
13/05/2026
𝐒𝐄𝐌𝐈 𝐅𝐈𝐍𝐀𝐋: Goodir Vs Ganacsiga
Tartanka Xuska 18-may ee G.awdal.