Waxay soo booqdeen oo cunto u keeneen qof ku xiran saldhigga Gaalkacyo, waxaase loogu jawaabay jirdil iyo garaacis illaa la dhigay isbitaalka Gaalkacyo.
Waa odayaal u dhashay beesha Ogaadeen!
Geeska Press
Geeska Press – kala soco warar la hubo, dhacdooyin caalami ah, iyo wararkii ugu dambeeyey ee cayaaraha gudaha & dibadda.
Ku xirnow Geeska Press si aad ula socoto dhacdooyinka dunida iyo tartamada ciyaaraha.
13/07/2026
Deg deg. Xarunta dowladda hoose Gaalkacyo ayaa saaka albaabada loo xiray kadib markii duqa iyo xoghayaha ay ka hor istaageen ciidan ka cabanaya xaquuq la'aan, sidoo kale shaqaalaha xarunta ayaa gabi ahaanba joojiyay shaqada iyadoo saaka ay haawanayso xafiisyada lana joojiyaya adeegyadii muhiimka aha ee loo soo doonan jiray xarunta.
12/07/2026
Ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aan ayaa goordhawayd xirtay wadada isku xirta Boosaaso iyo gobolada Puntland, gaar ahaan deegaanka Faluuja iyagoo joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciidankaan ayaa sheegay inay kasoo degeen Calmiskaad iyo furimaha h**e ka dib markii ay waayeen xuquuqdoodii dawladeed. shacabka oo warbaahinta lasoo xiriiray ayaa sheegay in wadadaas ku xaniban yihiin.
Hoggaanka Puntland ayaa ku guuldaraystay inuu bixiyo xuquuqda mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland sadexdii sano ee lasoo dhaafay. iyadoo dhanka kale dawladu ay wado cashuuro dheeraad ah, xili cashuurtii h**e waxa lagu bixiyo aysan bulshada u cadayn.
11/07/2026
Xafiiska Maaliyadda Puntland ee gobalka Mudug waxa si firfircoon loo arkaa marka wafdi Dowladda ka socda ay soo gaaraan Gaalkacyo. Shalay xafiiska ayaa agaasimay kulan qado sharaf ahaa, kaas oo ay ka qayb galeen dad kor u dhaafaya 250 qof, halka maanta uu qabtay kulan ku saabsan kor u qaadista dakhliga gobalka.
Badanaa madaxda gobalka Mudug iyo degmooyinka Gobalka ayaa la arkaa marka wafdi ka socda Dowladda ay soo gaaraan gobalka, iyagoo si aan h**e looga baran ugu tartama soo dhaweyntooda iyo u samaynta qado sharafeed. Dadka ayaa is weydiiya sababta aan madaxda xafiisyadda loo arag xilliyada kale iyaga oo ka qayb qaadanaya horumarka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada.
Xusuusin: Gaalkacyo meelo badan oo ka mid ah waxa wali fadhiya biyaha roobka, goobahaas oo ay ka mid yihiin wajahada Madaxtooyadda, dhismaha howlaha guud, bangiga iyo waddada loo maro xafiiska maaliyadda, iyadoo ay caqabad kala kulmayaan gaadiidka iyo dadweynaha adeegsanaya.
11/07/2026
Laba maleeshiyo beeleed ayaa isku rasaaseeyay bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan suuqa mashquulka badan ee Xerada Dayax, iyagoo khal khal ku abuuray ganacsatada.
Maamulka gobalka Mudug ayaa maalin ka hor soo saaray amar lagu mamnuucayo hubka lagu dhex wato magaalada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo ciddii lagu qabto.
11/07/2026
Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay, iyadoo dhammaan goobaha ganacsiga ay xiran yihiin.
Ganacsatadu waxay ka cabanayaan dekadda Bosaso oo laga horjoogsaday inay wax kala dagaan, kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago cusub oo lagu soo rogay.
Dekadda Bosaso ayaa xiran maalintii 11-aad, waxaana doonyo badan oo ku xiran lahaa halkaas ay u wareegeen dekadaha Berbera iyo Muqdisho.
Ilaa iyo hadda, xukumadda Puntland k**a hadlin dekadda xiran iyo lacagta cusub ee ay ganacsatadu diidan yihiin.
10/07/2026
Gaalkacyo 48-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay laba kiis oo dil ah, xalay waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor wiil yar halka caawa lagu dhaawacay wiil kale lagana dhacay baabuur uu watay, dhammaan shilalkaas ayaa kusoo beegmaya imaashaha ciidan afka duuban oo dhawaan warbaahinta lagu arkay iyagoo b**b ka samaynaya caasimada Garoowe.
Hadaba su'aasha ay dadku is weydiinayaan ayaa ah, maxaa isku soo beegay falalka amni darada ah iyo imaanshaha ciidankan?
10/07/2026
Bashiir Suulley iyo Dr Majidho oo ka qayb galay bandhigga buugga Maayad!
Barafasoorka suudka xiran yaanan ka tagin waa Generaal Ayuub.
10/07/2026
"Gobalka Mudug waxa loo xulay dad aan tayo lahayn, Madaxweynaha waxa eedda la wadaagga Isimada oo saxiixa iyo talo bixinta iska leh".
Sidaas waxa yiri nabadoon Gaani oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Dowladda.
09/07/2026
XOG CUSUB: Kiiskii afaraad ayaa laga diiwaangaliyay dhacdo mucjiso ah oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo, sida wararku sheegayaan waxaa xalay saqdii dhexe la geeyay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo laba qof oo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay qabteen wicitaanka lambar aan la aqoon, kadibna ay iska waayeen xubintii taranka.
Jacfar Yusuf Cabdalla gudoomiyihii h**e ee dhalinyarada ayaa ka mid ah dadka hadda jooga isbitaalka MRH isagoo si maskixiyan ah loogu dabiibayo kadib markii uu sheegay in xalay saqdii dhexe uu iska waayay meel uu ka kaadiyo, waxaana uu arrintaas ka qaaday shoog xooggan, hadda xaaladdiisa caafimaad ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Gaalkacyo.
Dad badan ayaa hor dhooban isbitaalka si ay indhahooda ugu arkaan mucjisadannka dhacday Gaalkacyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Website
Address
Garowe
252