Xogta sports gado

Xogta sports gado

Share

kahadalka arimaha sports

24/06/2026

Ahmed qaldan kuwa lataliyashisa ahaa intay murayad hor dhigen ayey dhehen iska celi

Cid uu la dagalsan yahay iya cidkala ayuu ku warersan yahay

Tan kala waxuu ka hadlaya kursi Bob iya waxqabad xuma asaga siduu ku imaday maxuse qabtay intuu ka hadlaya wa inta asaga mamulkisa hareysay oo cadeyma loo haya

Sry nasib xuma ku dhacday sports jubalnd

Waxan kula dardarmeyna dhaman bahda sports dagmoyinka gobalka gedo raga hada mamula ee ah gudomiyal sports ee her dagma iya gudomiyah sports gobalka Cabka inay si isku dubni ah inay gabi ahanba kaso saran warqad inaysan qebka ahen fowdada uu wada wilkan anan lehen aqon sports ee mesha ina hebal logu g*y ayna u hogansan yahin xirirka kubada cagta Somali Football Federation

16/06/2026

🚨ISCASILAAD

Guddoomiyihii Sports-ka Degmada Kismaayo, Aadan Iimaan Dhaqane, ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii uu hayay.

Aadan ayaa sheegay in go’aankiisa uu ka dhashay faragelin, dhaqaale-xumo iyo hab-maamul uu ku tilmaamay mid aan mudnaan siin horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada. Wuxuu sidoo kale xusay in sports-ka mararka qaar loo adeegsanayay arrimo ka fog ujeeddadii loo aas-aasay.

Inkasta oo uu xilka ka degay, wuxuu cadeeyay inuu sii wadi doono taageerada sports-ka iyo dhalinyarada Jubaland.

07/05/2026

Dagmada bardhera wa mesha ugu dhaq dhaqaqa badan dhanka sports ee gobalka gedo

Wana dagamada tariq ahan sports gedo uu ku tirsana

Celwaq
Burdhuba
Dolow
Garbaharey

Wa dagmoyinka sports uu hada sokaban haya lkn anan wali helin darajada 💯/50

Ayagana wayso kaban donana insha allah

Tartanka aya hada ka furmi dona dagmada

Photos from Xogta sports gado's post 13/04/2026
03/04/2026

NATIIJADA KULANKII GALABTA ⤵️

QANSAX FC 2️⃣➖ 2️⃣ MALKARIYEY FC

Goalasha waxa no dhaliyay⤵️

A/kafi (Alvares)⚽️ waxa ka cawiyay oday Silver🎯
A/kafi (Alvares )⚽️ waxa ka cawiyay Gavi 🎯

Man of the match the brace scorer
Abdikafi (Alvares) 🔥🔥

Not bad result

WALAALAHA MFC

03/04/2026

IT’S 𝗠𝗔𝗧𝗖𝗛𝗗𝗔𝗬!🔴

AWAY GAME: HORSEED 🆚 MBC

🏟 GARONKA : XANANLEY STADIUM

🏆KULANKA :- FRIENDLY MATCH

📆 TAARIQDA :- 4-4-2026

⏰ SAACADA :- 16:20

-BH 💪💪 💪

03/04/2026

Sidan waxa lugu qoray boga ka hadla arimah sports dagamada bardheerar

OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa si habsami leh noogu qabsoomay isku aadka tartanka aan ugu magac darnay Elite Cup.

Tartankan oo ah mid loogu talagalay horumarinta iyo dhiirrigelinta dhalinyarada, waxaa si weyn nooga taageeray Xaaji Daahir Bashiir Nuur, oo kaalin mug leh ka qaatay hirgelintiisa.

Waxaan idin og*ysiineynaa in tartankan si rasmi ah u bilaaban doono taariikhda 10/4/2026, laguna qaban doono Garoonka Macallin Ajuuke Stadium.

Waxaan rajeyneynaa in tartankan uu noqdo mid si nabad ah, tartan wanaag iyo is-ixtiraam leh ku dhammaada.

Photos from Xogta sports gado's post 11/02/2026

Warbixin: Soo Gabagabeynta Wejigii Koowaad ee Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Baladxaawo

Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay wejigii koowaad ee dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Baladxaawo, Gobolka Gedo, kaas oo ah mashruuc horumarineed oo muhiim u ah bulshada deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada iyo ciyaartooyda degmada.

Mashruucan dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu dhismayaa Barnaamijka Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, waxaa si wadajir ah u fulinaya Mshruucan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland iyo Hay’adda NIS Foundation, kuwaas oo iska kaashaday hirgelinta wejiga koowaad ee mashruuca. Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan ayaa ah horumarinta ciyaaraha, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo abuurista fursado is dhexgal bulsho iyo nabad ku dhisan.

Wejiga koowaad ee dhismaha ayaa soo maray Marxalado kala duwan bilowgii dhulka dhismaha laga sameenayay ayaa waxaa ukuur galay Hawalwadeeno ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Wasaaradda dhlinyarada iyo ciyaaraha Maamulka degamada Balaxaawo iyo Msuuliyiin kale

Dhismaha Garoonkan ayaa waxaa doorwayan ka qaatay Gudoomiyaha degmada Baladxaawo Abdiasiis Xareed iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee degmada Baladxaawo oo dhulka lagu dhisayo Garoonka ay bixiyeen Bulshada degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dhismaha ayaa waxaa diiradda lagu saaray hawlaha aasaasiga ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin diyaarinta goobta, hagaajinta dhulka, iyo hirgelinta kaabayaal muhiim ah oo saldhig u ah wejiyada xiga ee mashruuca. Hawlahan ayaa si guul leh ku dhammaaday waqtiyadii loo qorsheeyay, taasoo muujinaysa dadaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha fulinaya.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Wasaaradda dhlinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hay’adda NIS Foundation ayaa si wadajir ah u sheegay in dhismaha garoonka uu sii geli doono wejigiisa labaad, kaas oo la filayo in lagu dhammeystiro qaybaha harsan sida hagaajinta tayada garoonka, dhismaha kuraasta daawadayaasha, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah garoon casri ah.

Ugu dambeyn, mashruucan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doona horumarka isboortiga Degmada Baladxaawo, isla markaana gacan ka g*ysan doona kobcinta kartida dhalinyarada, yareynta firaaqada, iyo xoojinta midnimada bulshada.

14/01/2026

WAR WEEN IYA GUL WEN

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa Mudane Ciise Aadan Abshir u magacaabay inuu noqdo Lataliyaha Horumarinta Isboortiga Gobollada.

Magacaabistan waxay ka mid tahay dadaallada wasaaradda ee lagu xoojinayo horumarinta isboortiga dalka, gaar ahaan heer gobol, si loo kobciyo ka-qaybgalka dhallinyarada, loona abuuro fursado isboorti oo ay u siman yihiin dhammaan gobollada.

Lataliyaha cusub ayaa door muhiim ah ka qaadan doona talo-bixin, qorsheyn iyo isku-xiridda barnaamijyada horumarinta isboortiga ee gobollada, isagoo ka shaqayn doona horumarinta kaabeyaasha isboortiga iyo tayeynta fursadaha dhallinyarada.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa Mudane Ciise Aadan Abshir guul iyo shaqo miro-dhal ah.

⚽🇸🇴


05/12/2025

Mamulka Sportiga Degmada Garbaharey iya bahda sports dagmada rugcadayasha iya waliba bulshada xiseysa kubada cagta aya aad ugu qeb qadan haya tartanka ka socda casimada gobalka gedo ee garbaharrey

Tartankan aya maraya gaba gaba waxana isku so haray 6 koxod oo 3 kamidah haystan horyalka dagmada ama ku gukeysten kobab badan

Aragtida bulshada ku xiran pegka Xogta sports gado ayan weydineyna cidii aay isleyahin wayqadi karta amaba ugu cad cad

Halkan waxanka bogadineyna gudomiyah sports iya gudigisa oo haya shaqa adag aadna u qurax badan

Whatsapp+252619319674
Waxii muqala ah iya xog ku sabsan sports gedo hadii aad haysa nala wadag si an ugu fal celina

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Garbahaarrey?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

GARBAHAREY
Garbahaarrey