10/06/2026
Best Player
Mohamed Abdullahi Mohamed
Best Goal
Khaalid Abdalla Hizaam
Top Score
Abukar Aadam Nour
Best Defender
Hussien Mohamed Nour
Kusoo dhowaada Page-ka Rasmiga ah ee
kooxda kubada cagta Al Jaziira.
10/06/2026
Best Player
Mohamed Abdullahi Mohamed
Best Goal
Khaalid Abdalla Hizaam
Top Score
Abukar Aadam Nour
Best Defender
Hussien Mohamed Nour
10/06/2026
AL Jaziira is the Best Team in Buur Hakaba
Division Two
ONE TEAM👉ONE DREAM👉ONE CHAMPION
26/05/2026
Maamulka, ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Adxaa.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha suuban, caafimaad iyo barwaaqona nagu gaarsiiyo ciidan teeda kale.
Sidoo kale alle waxaan ugu baryeynaa Dhamaan xujeyda muslimiinta gudanaya waajibaadka Xajka inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.
19/03/2026
Kooxda Kubadda Cagta Al Jaziira waxay tahniyad iyo hambalyo diirran u diraysaa dhammaan taageerayaasheeda, ciyaartoyda, maamulka, bahda isboortiga, iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr awgeed.
Ciidul-Fitr waa munaasabad qiimo weyn ku leh quluubta Muslimiinta waxayna astaan u tahay farxad, is-cafis, walaaltinimo iyo xoojinta isku duubnida bulshada, iyadoo ku soo beeganta dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, samafal iyo naxariis.
Maamulka iyo hoggaanka Kooxda Al Jaziira waxay Alle uga baryayaan in ciidani ay u noqoto dhammaan ummadda Muslimka ah mid ay ku dheehan yihiin nabad, barako, caafimaad iyo barwaaqo sidoo kale waxay rajaynayaan in munaasabaddani ay sii xoojiso qiyamka wadajirka is-ixtiraamka iyo wada noolaanshaha bulshada.
Kooxda Al Jaziira waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa taageerayaasheeda qiimaha badan ee mar walba garab taagan kooxda kuwaas oo door muhiim ah ku leh dhiirrigelinta iyo horumarka joogtada ah ee kooxda.
Ugu dambayn Kooxda Kubadda Cagta Al Jaziira waxay mar kale u rajaynaysaa dhammaan taageerayaasheeda, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah Ciid Mubaarak, iyagoo rajaynaya mustaqbal ay ku dheehan yihiin guulo, barwaaqo iyo farxad wadajir ah.
14/03/2026
Kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in ay dhammaystirtay wejigii ugu dambeeyey ee saxiixyada ciyaaryahannada cusub, iyadoo kooxda ay ku soo biireen afar ciyaaryahan oo lagu xoojinayo safka kooxda.
Saxiixyadan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha kooxda ee lagu horumarinayo tayada iyo awoodda safka ciyaartoyda, si loo xoojiyo tartanka gudaha kooxda loona gaaro himilooyinka ay kooxdu hiigsanayso xilli ciyaareedkan.
Maamulka kooxda Al Jaziira waxay si diirran u soo dhoweynayaan ciyaaryahannada cusub, iyagoo u rajaynaya inay door muhiim ah ka qaataan guulaha iyo horumarka kooxda,sidoo kale maamulka ayaa uga mahadcelinaya taageerayaasha sida joogtada ah u garab taagan kooxda.
Dhiirigeliye,hogaamiye ruuxi ah mudan maamuus iyo sharaf intaas iyo ka badan waad naga mudantahay.
07/03/2026
Maamulka Kooxda Al Jaziira ayaa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyey Ahmed Abdi Gaboobe (Rasta) oo si joogto ah u ahaa dhiirrigeliye, hogaamiye ruuxi howlkar ah isla markaana mar walba garab taagnaa kooxda.
Ahmed Abdi Gaboobe (Rasta) wuxuu door weyn ka qaatay taageeridda iyo dhiirrigelinta kooxda, taas oo qayb muhiim ah ka noqotay guulaha iyo horumarka ay kooxda gaadhay.
Maamulka Kooxda Al Jaziira waxay si weyn ugu mahadcelinayaan dadaalka, daacadnimada iyo dhiirigelinta joogtada ah ee uu u muujiyey kooxda. Sidoo kale waxay ku ammaaneen kaalinta qiimaha leh ee uu ku leeyahay horumarka iyo guulaha kooxda.
Maamulka iyo taageerayaasha Kooxda Al Jaziira waxay u rajaynayaan Ahmed Rasta guul iyo horumar mustaqbalka, iyaga oo ku boorinaya inuu sii wado taageerada iyo dhiirrigelinta qiimaha leh ee uu mar walba la garab taagan yahay kooxda.
06/03/2026
Maamulka Kooxda Al Jaziira waxay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan in heshiisyo cusub lala saxiixday dhammaan ciyaaryahanada kooxda koowaad, si loo xoojiyo mustaqbalka iyo xasilloonida kooxda.
Heshiisyadan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha horumarinta kooxda, iyadoo maamulka iyo ciyaaryahanaduba ay muujiyeen rabitaan wadajir ah oo lagu sii wado wada shaqeynta iyo isku duubnida guud ahaan ciyaartoyda.
Dhanka kale, ciyaaryahanada ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin heshiisyada cusub, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan guusha kooxda iyo farxadda taageerayaasha.
Kooxda Al Jaziira waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa taageerayaasheeda joogtada ah ee mar walba garab taagan kooxda.
Saxiixa heshiiska tababaraha cusub.
Ahmed rasta xubin sharafeed kooxda iney guul soo gaarto qeyb lixaad leh ka qaatey iyo tababraha cusub kooxda AL Jaziira Hamza Ali Amin .