Somalia Goalkeepers

Somalia Goalkeepers

Dela

Goalkeepers football academy

23/08/2026

🧤🇸🇴 COACH AWEYS IYO AFARTA ILAALIYE EE Somali National Team U17

Hal tababare, afar goolhaye, balse dushooda waxaa saaran masuuliyad ka weyn da’dooda — rajada iyo kalsoonida malaayiin Soomaali ah. 🇸🇴❤️

Coach Aweys iyo afarta goolhaye ee Xulka Qaranka Soomaaliya U17, gacmihiinna maanta waxaa lagu aaminay goolka qaranka. 🧤

20 milyan oo Soomaali ah ayaa idin leh: Goolka adkeeya wiilalow! 😂🇸🇴🔥

Photos from Somalia Goalkeepers's post 23/08/2026

🧤🌍 MOMBASA ➡️ MUQDISHO ➡️ JABUUTI — SAFARKA GOOLHAYE OSMAAN

Safarkiisa kubadda cagta wuxuu kasoo bilowday magaalo-xeebeedka Mombasa 🇰🇪, balse magaciisu wuxuu si dhab ah uga soo iftiimay Muqdisho 🇸🇴.

Goolhaye Osmaan Adan
wuxuu indhaha taageerayaasha soo jiitay markii uu wacdaro ka dhigay Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo matalayay degmada Yaaqshiid. Bandhiggiisii goolka dhexdiisa wuxuu noqday mid albaab cusub u furay mustaqbalkiisa ciyaareed. 🧤🔥

Kadib wuxuu muddo laba sano ah la qaatay Badbaado FC, isagoo kasoo muuqday horyaalka Soomaaliya, halkaas oo uu kusii dhisay khibraddiisa iyo xirfaddiisa goolhayenimo.

Maanta safarkiisu wuxuu gaaray Jabuuti 🇩🇯, isagoo u dhaqaaqay Djibouti National Team U20.

22/08/2026

Gaadiidka football club Goalkeeper 20 Games with 10 Clean sheets

Elmaan home iyo Away goshisa ayu ka ceshtay
Dekedah home &Away no goals
Raadsan. No goals home &Away
Jazeera.1
Jeenyo.1
Juba.1
Badbaado.1

Photos from Somalia Goalkeepers's post 22/08/2026

🧤🇸🇴 GOOLHAYE AAN TABABARE LAHAYN — MAXAA NATIIJO AH OO AAN KA SUGAYNAA?

Waa arrin runtii u baahan in si dhab ah loo isweydiiyo: Sidee Xul Qaran U15 ah goolhayeyaashiisu ula tababaran karaan kooxda inteeda kale iyaga oo aan haysan tababare goolhaye oo gaar ah?

Goolhayuhu ma aha ciyaaryahan caadi ah oo boos kale lagu beddeli karo. Waa boos u baahan tababar gaar ah, farsamo gaar ah, diyaar-garow gaar ah iyo macallin si gaar ah u fahamsan goolhayenimada.

Haddii tababaraha goolhayuhu ka maqan yahay xulka, yaa saxaya positioning-ka goolhayaha?
Yaa baraya footwork-ga?
Yaa saxaya qabashada kubadda, timing-ka, one-on-one-ka, crosses-ka iyo distribution-ka?
Yaa dib ula eegaya khaladaadkiisa si uusan mar kale ugu celin?

Waxaa la yiraahdaa goolhayuhu waa qayb weyn oo ka mid ah awoodda kooxda. Hal qalad oo goolhaye sameeyo wuxuu beddeli karaa natiijada kulan dhan. Haddana sidee ayaan natiijo uga sugaynaa goolhaye aynaan siin tababarkii gaarka ahaa ee booskiisu u baahnaa?

Waxa kasii daran, kuwani waa U15 — carruur weli baranaysa aasaaska goolhayenimada. Waa da’dii ugu muhiimsanayd ee farsamada saxda ah lagu dhisi lahaa. Haddii maanta khaladkooda aan la sixin, berri khaladkaas wuxuu isu beddeli karaa caado ay adag tahay in laga saxo.

⚠️ Khaladku ceeb ma aha; laakiin khalad isku mid ah oo mar walba soo noqda iyadoo aan wax laga qaban, waa meel ay tahay inaan wax iska weydiinno.

Haddii aan rabno mustaqbal wanaagsan oo goolhayeyaasha Soomaaliya ah, waa inaan marka h**e fahannaa in goalkeeper coach-ku uusan ahayn qof dheeraad ah oo staff-ka lagu qurxiyo — waa baahi farsamo oo muhiim u ah kooxda.

🇸🇴🧤 Xul qaran oo da’yar wuxuu dhisayaa mustaqbalka kubadda cagta dalka. Mustaqbalkaasna goolhayaha lagama illaawi karo.

22/08/2026

⚽👟 AG, FG & TF – Sidee ayay kabaha kubadda cagtu u kala duwan yihiin?

Markaad kabo kubadda cagta iibsanayso, quruxda, sumadda ama qiimaha oo keliya ha eegin. Waxa aad muhiim u ah ciribaha kabaha hoostooda ku yaal iyo nooca garoonka loogu talagalay, sababtoo ah iyaga ayaa saameeya sida cagtaadu dhulka u qabsanayso, uga soo go’ayso markaad dhaqaaqayso,leexanayso iyo sida aad u joogsanayso.

🟢 AG shoes – Cawska macmalka ah

AG waxaa loogu talagalay cawska macmalka ah, gaar ahaan garoomada dhirirka cowska ah 3G/4G. waxaa loo qaabeeyey inay ku siiyaan qabsasho dhulka oo wanaagsan, iyadoo cagtu haddana si fudud uga soo go’i karto dhulka markaad leexato ama jihada beddesho.

Tani waxay muhiim u tahay markaad samaynayso orod xawaare leh 🏃, joogsi degdeg ah 🛑, leexasho ↩️ ama jihada si dhaqso ah u beddelayso ⬅️➡️.

Qabsashada dhulku waa inay dheellitirnaataa. Haddii kabuhu dhulka si yar u qabsadaan, waad simbiriirixan kartaa. Haddii ay si xad-dhaaf ah u qabsadaan, cagta ayaa dhulka ku dhegi karta iyadoo jirkaagu leexanayo, taasoo culays dheeraad ah saari karta jilibka iyo canqowga.

🔵 FG shoes – Cawska dabiiciga ah

FG asal ahaan waxaa loogu talagalay caws dabiici ah oo adag ama aan aad u qoyanayn. Qaar ka mid ah ciribihiisu way dheer yihiin ama qaabkoodu wuxuu kordhiyaa sida ay dhulka u qabsadaan, taasina cawska dabiiciga ah faa’iido ayay ku leedahay.

Laakiin marka FG lagu isticmaalo caws macmal ah, ciribaha qaarkood waxay dhulka u qabsan karaan si aad u xoog badan. Tusaale ahaan, jirkaagu wuxuu bilaabi karaa inuu leexdo 🏃‍♂️, halka cagtaadu 👟 weli dhulka si xooggan ugu dheggan tahay. Xaaladdaas jilibka 🦵 waxaa ku iman kara wareeg iyo culays dheeraad ah.

Taas macnaheedu ma aha in FG mar kasta dhaawac keeno. Laakiin qof inta badan caws macmal ah ku ciyaara waxaa wanaagsan inuu isticmaalo kabo loogu talagalay garoonkaas.

🟠 TF – Caws macmal ah oo gaaban ama adag

TF-ga hoostiisa waxaad ku arkaysaa burooyin badan oo yaryar, halkii aad ka arki lahayd ciribo waaweyn. Waxaa loogu talagalay garoomada cawska macmalka ah ee gaaban, duugoobay ama aad u adag.

Burooyinkaas badan waxay culayska cagta u qaybiyaan meelo badan. Hase yeeshee, marka lagu ciyaarayo caws macmal ah oo 3G/4G ah oo dheer, AG ayaa inta badan ku siinaya qabsasho dhulka oo ka wanaagsan.

⚠️ Maxay arrintani dhaawacyada ula xiriirtaa?

Kubadda cagta waxaa ku badan orod xawaare sare leh 🏃, leexasho kedis ah ↩️, joogsi degdeg ah 🛑, jihada oo dhaqso loo beddelo ⬅️➡️ iyo kubad la dagaallan ⚽. Sidaas darteed kabaha aad xiran tahay iyo garoonka aad ku ciyaarayso waa inay is waafaqaan.

❌ Qabsasho dhulka oo aad u yar → waxaad halis ugu jirtaa simbiriirixasho.

❌ Qabsasho dhulka oo aad u badan → cagtu dhulka ayay ku dhegi kartaa iyadoo jirku leexanayo, taasoo culays dheeraad ah saari karta jilibka iyo canqowga.

✅ Qabsasho dheellitiran → waxay kuu oggolaanaysaa dhaqaaq, leexasho iyo xak**ayn wanaagsan.

Kabaha saxda ahi 100% k**a hortagi karaan dhaawac, laakiin doorashada kabaha loogu talagalay nooca garoonka aad ku ciyaarayso waa arrin muhiim ah.

📌 Xasuus fudud:

🌱 Caws dabiici ah → FG
🌱🛠️ Caws macmal ah 3G/4G → AG
🟩 Caws macmal ah oo gaaban/adag → TF

📢 La wadaag ciyaartoyda kale si ay iyaguna u fahmaan farqiga u dhexeeya AG, FG iyo TF.

Suaal ka jawaab
Cowska macmalka ee Stadium mogadisho wa imisa G aniga ahan 3G or 2G madama u dhamaad xoga yahay

Stadium koonis 😭🫵 sheeg qiyasta
Aniga ahan wa 0G to -1 G

Jamacadaha ???

21/08/2026

🧤 HASSAN FARAH MAROODI

Ninkii sannado badan gadaasha ka dhisayay goolhayeyaasha Soomaaliyeed 🇸🇴⚽

Kubadda cagta marka laga hadlayo, inta badan waxaa la xusuustaa ciyaaryahanka goolka dhaliya, tababaraha koobka qaada ama xiddiga taageerayaashu magaciisa ku dhawaaqaan.

Laakiin mararka qaar waxaa jira nin aan iftiinka badan lagu arag, balse raadkiisa laga dhex arko jiilal dhan.

Mid ka mid ah dadkaas waa Coach Hassan Farah Maroodi.

Mustaf nakuja Ayaa yiri
Aniga ahaan, sheekadiisu ma aha wax aan meel ka maqlay oo keliya. Qiyaastii 15 sano ka hor ayaan aniguba gacantiisa tababar ku soo qaatay.
Waqtigaas waxaa laga yaabaa inaanan fahmin qiimaha ay leedahay aqoonta uu na siinayay. Laakiin maanta, marka aan dib u milicsado halka ay goolhayenimada Soomaaliya ka timid iyo halka ay u socoto, waxaan si ka duwan u fahmayaa shaqadii uu sannadaha badan waday.

🧤 Shaqo aan mar walba muuqan

Muddo dheer Soomaaliya ma lahayn fursadaha, qalabka iyo tababarrada casriga ah ee maanta goolhayeyaashu heli karaan.

Haddana waxaa jiray dad aan sugin in wax walba diyaar loo noqdo.

Hassan Maroodi wuxuu ka mid ahaa dadkaas.

Jiilba jiil ayuu la shaqaynayay goolhayeyaasha. Kooxo kala duwan, ciyaartoy kala duwan iyo waqtiyo kala duwan—laakiin hal shaqo ayaa mar walba hortaallay:

In Soomaaliya hesho goolhaye ka wanaagsan kii shalay.

Markaad maanta eegto goolhayeyaasha ka ciyaara kooxaha Soomaaliyeed, waxaa jira kuwo badan oo si toos ah ama si dadban uga soo gudbay tababarkiisa iyo nidaamkii uu muddada dheer qaybta ka ahaa.

Taasi waa dhaxal aan koob keliya lagu cabbiri karin.

🇸🇴 Hal nin, jiilal badan

Waxa sheekadiisa ka dhigaya mid gaar ah ma aha oo keliya muddada uu shaqadan ku jiray.

Waa tirada jiilalka is beddelay isaga oo weli taagan.

Goolhaye ayaa yimid, mid kale ayaa ka dambeeyay. Kooxo ayaa is beddelay. Horyaalku marxalado kala duwan ayuu soo maray.

Laakiin Coach Hassan wuxuu sii waday shaqadii goolhayeyaasha.

Qaar wuxuu baray aasaaska booska.

Qaar wuxuu ka caawiyay inay heer sare gaaraan.

Qaarna maanta waxay aqoontii ay ka qaateen u gudbinayaan jiilka iyaga ka dambeeya.

Taasi waa marka tababare uu ka gudbo inuu qof keliya tababaro, oo uu bilaabo inuu dhiso dugsi iyo dhaqan ciyaareed.

❤️ Aniguna waxaan ka mid ahaa wiilashii gacantiisa soo maray

Waxaa laga joogaa ku dhowaad 15 sano markii aan aniguna hortiisa istaagay anigoo goolhaye ah.

Maanta marka aan arko goolhayeyaasha Soomaaliyeed oo helaya tababar ka nidaamsan kii h**e, farsamadoodu sii kordhayso, tartankooduna sii xoogaysanayo, waxaan xusuustaa dadkii jidkan soo bilaabay xilli aysan sahlanayn.

Coach Hassan Maroodi wuxuu ka mid yahay dadkaas.

Waxaa laga yaabaa inaan mar walba magaciisa laga maqal meelaha waaweyn.

Waxaa laga yaabaa inaan tirakoob lagu qorin inta saacadood ee uu garoomada ku bixiyay.

Laakiin haddii aad rabto inaad ogaato raadkiisa, ha eegin isaga oo keliya—eeg goolhayeyaashii gacantiisa soo maray.

Halkaas ayay sheekadiisu ku qoran tahay.

Waxaa jira ciyaartoy taariikhda lagu xasuusto goolashii ay dhaliyeen.

Waxaa jira tababarayaal lagu xasuusto koobabkii ay qaadeen.

Hassan Farah Maroodi se waxaa mudan in lagu xasuusto goolhayeyaashii uu soo dhisay iyo jiilashii uu aqoontiisa u gudbiyay.

🧤🇸🇴 Mararka qaar hal tababare ma dhiso hal ciyaaryahan—wuxuu dhisaa jiil dhan.

Photos from Somalia Goalkeepers's post 21/08/2026

🧤⚽ ABDIQADIR MOHAMED HASSAN (ADRIAN) — GOOLHAYE MUUJINAYA HORUMAR WANAAGSAN

Abdiqadir Mohamed Hassan, oo loo yaqaan Adrian, waxa uu ka mid ahaa kooxda Jaziira, isagoo waqti wanaagsan kula qaatay horyaalkii Somali Premier League ee dhowaan soo dhammaaday.

Goolhayahan ayaa muddo kooban gudaheed u wareegay kooxda reer Burco ee Kooxda Goodir Burco FC, halkaas oo uu ka sii wadanayo waayihiisa ciyaareed iyo horumarkiisa goolhayenimo. 🧤💪

Sanadihii dambe, waxaa isbeddel weyn laga dareemayaa goolhayeyaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca tababarka, farsamada iyo fahamka booska goolhayaha. Waxaa muuqata in heerka goolhayeyaasha Soomaaliyeed uu si tartiib ah kor ugu sii kacayo. 🇸🇴⚽

Adrian wuxuu ka mid yahay goolhayeyaasha da’da yar ee jidkaas horumarka ku jira. 🌟🧤

20/08/2026

🚨CLEAN SHEET MASTER! 🧤

Goolhayaha kooxda Heegan, Ibrahim Fikirey, ayaa noqday goolhayihii ugu clean sheet-ka badnaa Somali National League 25/26, isagoo sameeyay 10 clean sheets. 🧤🇸🇴

Tani waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo uu Ibrahim noqdo goolhayaha clean sheet-yada ugu badan. 👏🔥

Goolhayaha Champions-ka Gaadiidka FC ayaa ku xigay, isagoo sameeyay 9 clean sheets.

Qoraaga Deeq Aariyo

17/07/2026

Faideyso oo faham

05/07/2026

Hormarinta maskax u bisil goalkeeperka

Vill du placera din affär längst upp i Gym-listan i Kalmar?

Klicka här för att få din sponsrade notering.

Plats

Telefon

Adress

Kalmar