25/06/2026
Wasiirka Socdaalka Denmark, Morten Bodskov ayaa sheegay in dowladda Denmark ay qorsheynayso inay dib u eegto sharciyada la xiriira isticmaalka cod-baahiyeyaasha masaajidda, iyadoo la baarayo suurtagalnimada in gebi ahaanba la mamnuuco baaqa eedaanka ee bannaanka laga maqlo.
Wasiirku wuxuu ku dooday in Denmark ay tahay dal leh dhaqan iyo qiyam u gaar ah, islamarkaana aysan habboonayn in codka eedaanka uu si joogto ah uga yeero meelaha dadweynaha. Wuxuu sheegay in eedaanku uusan qayb ka ahayn dhaqanka Denmark, isagoo xusay in dowladdu ay doonayso inay ilaaliso waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga iyo hiddaha dalka.
Morten Bodskov ayaa sidoo kale sheegay in, sida uu arko, ay jirto koror ku yimid muuqaalka iyo saameynta dhaqanka Islaamka ee bulshada Denmark, arrintaas oo uu ku tilmaamay islaamayn tartiib tartiib ah. Sida uu sheegay, dowladda ayaa qiimeyn doonta dhammaan fursadaha sharci ee suuragelin kara in cod-baahiyeyaasha masaajidda laga mamnuuco dalka oo dhan.
Dhinaca kale, arrintan ayaa dhalisay dood iyo falcelin kala duwan. Dadka taageersan qorshahan waxay ku doodaan in la ilaaliyo dhaqanka iyo aqoonsiga Denmark, halka dadka ka soo horjeeda ay sheegayaan in tallaabadan ay dhaawici karto xorriyadda diinta iyo xuquuqda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dalka ku nool.
Maxay kula tahay adiga? Ma u aragtaa in dowladdu xaq u leedahay inay xaddido eedaanka bannaanka laga maqlo, mise tani waxay ka hor imaanaysaa xorriyadda diinta?