25/07/2026
Sky football’s oo sameysay cod uruurin ku saabsan Goatka kubadda cagta Taariikhda kii ugu fiicnaa..
Waxan cod uruurin loo sameeyay Pele maradona Ronaldo iyo Messi cida ah ka. Ugu fiicna taariikhda..
Ronaldo ayaa helay codka ugu badan.%67
Messi ayaa helay codka 2aad ee ugu badan %28
Pele ayaa helay kaliya %3
Maradonana wuxu helay %2
Adiga ahaan ku darso..
24/07/2026
Trump🗣️hadii markale la ii dooran waayo madaxweynaha Mareykanka waxan noqon doona madaxweynaha FIFA sababto ah dadka ciyaaraha jecel ayaa fariimo badan iiga yimd oo ay ku codsanayan inaan noqdo madaxa FIFA..
Yarkan inu damo dhan marabo meel kasta waa rabaa😂
24/07/2026
Walaasha Paredes Barbara🗣️kuma guuleysan koobkeenii aduun ee afaraad laakiin waxanu haysanaa Malavinas..
Jaziiradan ay dhaheeyso waa haysana hada waxa maamula Ingiriiska oo ma tagi karaan ciidamada Argentina..
Jaziiradan asalkeeda waxa iska leh Argentina laakiin waalaga xoogay oo uk xoog ku haysato..
24/07/2026
United oo 5-0 ku badisay waxan ku ogaaday arintan anoon baarin mida saaxiibo nahay oo united fan ah oo statuska WhatsApp-ka soo saartay isago ku dabaaldegayo pizza 🍕 cunis 😂
Sida caadada ah saaxiibkey marka united badiso habeenkas jeebku furaa waxa arkee asoo dheylo kor fadhiyo mana shaqeyo yarkan ma aqan lacagta halku ka keeno😂
Intaasna wuxu noo raaciyay united is back horyaalka xagaas hanoola dhigo ✌️
24/07/2026
Zalatan ibrahimovic oo aabihiis ka balaariyay🗣️aabahay waa shakhsi kibir badan sida aniga oo kale maalin ayaan soo iibiyay gaari Mercedes ah oo qiimihiisu yahay 100.000 waxan ku idhi hoo aabe gaarigan..
Wuxu igu jawabay waryaa marabo gaari ma waxan ahay cuuryaan sowma aragtid inaan socon karo
maalmo yar kadib anigo fadhiya goob maqaaxi ah ayaan arkay isago gaarigii magaalada ku dhex wata dadkana ku dhahayo waa gift iiga yimid gabar I jecel..
24/07/2026
Klop oo si rasmi ah u noqday macalinka cusub ee xulka jarmalka..
Klop🗣️dhowanahan ma daawan ciyaaraha caalamiga ah ee Germany waa inaan dib u bilownaa daawashada ciyaaraha waaweyn ee xulalka waan ogahay in Germany uuka baxay saaxada kubadda cagta..
Si aan xulkan uguso celino saaxada kubadda cagta waxan u baahan-nahay system kubadeed oo guuleysta.
24/07/2026
Muqaalkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada hooyo Mexican ah ayaa caruurteeda ka codsatay inay sawiro la galaan Messi oo laga sameyay boor macmal ah..
Ilmihii ayaa diiday inay Messi isku sawiraan waxayna doorteen boorka macmalka ah ee laga sameyay sawirka Ronaldo..
Hoyada ayaa markale ku qancisay caruurteeda inay Messi sawir la galaan waxayna ku tiri waa boqor Messi..
Midka mida ilmaha ayaa ugu jawabay maya maya Ronaldo ayaa ah boqorka Kubadda cagta..
24/07/2026
WAR-WEYN 🚨
Arinta Rodri iyo Real Madrid oo meel wanagsan mareysa xalay saqdii dhaxe waxa wada fariistay wakilka Rodri iyo madaxa guud ee suuqa u qaabilsan real waxayna wada gaareen heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan shakhsiga ciyaaryahanka waxa sooragal ah wakhtigan aan qoraalka qoraayo in warkale kaso baxo oo ay wax walba isku afgartan kadibna ManCity toos loo aado..
Suurtagal ma tahay in City fasaxdo Rodri Haa sababto ah Rodri wuxula mid yahay de bruyne Bernardo silva Gundugan iyo stones kuwaas oo City kula guuleystay koob kasta City ma rabto in ciyaaryahanka ula dhaqmaan si aanan ku habooneen sharafkiisa waxay ilaalin doonaan wax qabadkii wanagsanaa iyo guulihii waaweynaa ee uula gaaray sidokale City Rodri k**a haysato qandaraas wakhti dheer ah badalkisuna way haystaan..
Xigasho Alberto Pereiro✍🏾
24/07/2026
Jimco wangsan saaxiibyaal
23/07/2026
DEG-DEG: 💣 Arsenal iyo war weyn barito la filayo faahfaahin comment ogu horeeyo 👀