Wanleweyn new

Wanleweyn new

Share

"The official page of Wanlaweyn new. WN is one of the local New stations in Somalia.

12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynaayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

12/06/2026

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil, Mudane Xildhibaan Sayid Axmed Abukar iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Mudane Abdirisaaq Dhaayow ayaa wada qaatay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta Degmada Wanlaweyn iyo xaaladda guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho iyo shaqo. Sidoo kale, mas'uuliyiintu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta bulshada iyo maamulka si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, dhinacyadii kulanka yeeshay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu horumarinayo Degmada Wanlaweyn iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan wadatashiyada iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo horumar iyo xasillooni.

Photos from Hormarinta Wanlaweyn's post 12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda buuxda ee ay u hayaan hoggaanka cusub.

Mas’uuliyiintii iyo shacabka ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka cusub si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo horumarka, loona hormariyo adeegyada bulshada ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Bulshada Wanlaweyn ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ugu hambalyeysay xilka loo doortay, iyagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu shacabka Koonfur Galbeed ku hoggaamiyo midnimo, nabad iyo horumar waara

Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-xilqaan leh, iyadoo shacabka degmada Wanlaweyn ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dowladda iyo hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

03/06/2026

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis.

dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda.

wixii kusoo kordha halkan kala soco.

03/06/2026

Koofiya Castii Madaxtooyada oo Cabdicaziiz ku sii qulquleysa, xaalka wali ma dhawa.

28/05/2026

🌙 Ciid Wanaagsan – Maalinta 2-aad 🌙

Beerta Ibnu Cabdalla oo Eedin leh waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda.

Maalinta labaad ee Ciidda awgeed, waxaan idiin rajeynaynaa farxad, caafimaad, nabad iyo nolol barwaaqo leh.
Allah hanaga aqbalo cibaadadii, hana nagu gaarsiiyo ciid kale annagoo kheyr qaba.

04/05/2026

Dowladnimo🇦🇿💪

15/04/2026

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid Danjiraha Israaiil u magacowday Soomaaliland.

DFS waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda; Somaliland waxay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Cid kasta oo doonaysa in ay u muujiso inay tahay gaar waa mid aan sal sharci lahayn, kana hor imanaysa axdiga caalamiga.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in London Colney?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

London Colney

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 9am - 5pm