07/24/2026
Maamulka IDPs ayaa tababar u furay macallimiinta heerka koowaad ee IDPs, kaas oo ay ka qeyb galayaan 12 macallin oo loo dalacsiiyay heerka koowaad.
Mas'uuliyiinta IDPs ayaa sheegay in tababarkan uu ku suurtagalay isku-tashi ay sameeyeen maamulka iyo kooxaha IDPs, taasoo muujinaysa wadajir iyo dadaal lagu horumarinayo tayada macallimiinta.
Tababarka waxaa bixinaya Macallin Moha Yuusuf, wuxuuna socon doonaa saddex maalmood, iyadoo diiradda lagu saarayo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta cusub ee heerka koowaad.
07/04/2026
TARTANKA IDBS EE DEGMADA GALKACYO OO SI RASMI AH LOO DAAHFURAY
Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Tartanka IDBS ee Degmada Galkacyo, iyadoo munaasabadda furitaanka uu hoggaaminayay Guddoomiyaha IDBS ee Degmada Galkacyo.
Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan ka qaybgalayaasha inay muujiyaan kartidooda, ilaaliyaan anshaxa tartanka, isla markaana xoojiyaan ruuxa wadajirka iyo is-ixtiraamka.
07/01/2026
Kooxda kubadda cagta R.S.C (EXSHAMPLUS) ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay shan xiddig oo da'yar oo ka ciyaara boosas kala duwan. Ciyaartoyda la soo bandhigay ayaa kala ah: Cabdixakiin (Kanote), Zakariye Bashiir (Jr), Mohamed (Afey), Ciid, iyo Cabdullaahi Maxamed (Fanya). Kooxdu waxay rajo weyn ka qabtaa in xiddigahan ay door muhiim ah ka qaataan horumarka iyo guulaha mustaqbalka.
06/24/2026
Kooxda SYL ayaa galabta ku guulaystay koob
lagu xoojinayay nabadda, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Gobolka Mudug.
Koobkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga iskaashiga Soomaaliyeed ee NIS ayaa waxaa rigoorayaal looga qaaday kooxda NIS.
06/24/2026
ππππππππ¬π’ | Waxaa galabta Garoonka Kubadda Cagta Maxamed Xaaji Uuray lagu qaban doonaa ciyaar lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Gobolka Mudug.
Ciyaartan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga iskaashiga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo isku xirnaanta dhalinyarada, horumarinta nabadda iyo kor u qaadidda wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.
Bulshada reer Gaalkacyo, gaar ahaan dhalinyarada, waxaa lagu wargelinayaa inay ka soo qeyb galaan munaasabaddan muhiimka ah ee lagu taageerayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
05/05/2026
β½ CIYAARAHA CAASIMADAHA PUNTLAND HA MOOGAAN!
Adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada, waxaad si toos ah ugu daawan kartaa TRUE CABLE TV adigoon u baahnayn INTERNET.
Hadda dalbo Receiver-ka True Cable TV si aad ula socoto dhammaan ciyaaraha xiisaha leh.
π Wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir:
612760050 | 7757097 | 7444848
05/05/2026
Gaalkacayo Vs Badhan β Yaa badin doona galabta?
04/28/2026
πππππππ ππ ππ
πππππ
Maamulka Elite Academy Galkio Branch Iyo Maamulka Kooxda Kubada Cagta ayaa Galabta Kala saxiixday Heshiis Muhiim ah oo kor loogu qaadayo Sports Ka Iyo Waxbarashada Deegaanka
Labada dhinac ayaa Kala saxiixday Heshiis Kaas oo Elite Academy Gaalkacyo uu qaadan Doono taabagalinta Kooxda Sidoo Kalana uu siin Doono cayaartoyda Kooxda Xirfadaha Kala duwan ee Ka baxa Xarunta waliba si Bilaash ah.
Dhanka kale Kooxda ayaa ayadana dhankeeda samayn doonta soobandhigida Iskuulka Magaciisa ayadoo Ku cayaari doonta Calaamada Aqoonsiga Iskuulka.
Heshiiskaan ayaa socon Doono mudo 1 sano ah Waana mid la cusboosiin Karo markii loo baahdo
Ugu Danbayn heshiiska waxaa U Kala saxiixay dhinacyada Maamulka Sportiga Degmada Galkacyo Galmudug oo uu Ka joogay oo goob joog Ka ahaa Goobta heshiiska lagu Kala saxiixayay
Boqor Bashiir Boqor Ciise
03/19/2026
SAWIRO FINAL - ISKAASHI RAMADAN CUP
RAMADAN HOSPITAL 7-5 MODREN UNIVERSITY