SAHAL GAS FC

SAHAL GAS FC

Share

waa page ka rasmi ga ah ee Sahal Gaas Galkacyo

Photos from SAHAL GAS FC's post 03/08/2026

Hambalyo Aroos: Abdullahi Farhaan & Muno Jaama! ๐Ÿ’–๐Ÿ’

Maamulka iyo ciyaartoyda kooxda SAHAL GAS FC waxay hambalyo iyo duco mug leh u dirayaan mid kamida ciyaartoyda kooxda SAHAL GAS FC Abdullahi Farhaan Abdirisak iyo marwadiisa Muno Jaama Abdi, oo ku aqal-galay magaalada Galkacyo.

Waxaan leenahay:

ุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ู„ูŽูƒูŽ ูˆูŽุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุนูŽู„ูŽูŠู’ูƒูŽ ูˆูŽุฌูŽู…ูŽุนูŽ ุจูŽูŠู’ู†ูŽูƒูู…ูŽุง ูููŠ ุฎูŽูŠู’ุฑู

(Barakallahu laka wa baraka 'alayka wa jama'a baynakuma fii khayr)

Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu reerkiina ka yeelo kuwii lagu nasto , oo ku dhisma bash-bash, barwaaqo, iyo ubad khayr qaba. Sanado badan oo farxada wada-jira๐Ÿ’

Photos from SAHAL GAS FC's post 16/06/2026

Ujeedo: Tacsi iyo Duco Marxuum Cabduqaadir Daahir Maxamed
โ€‹Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
โ€‹Annagoo ka murugeysan geerida ku timid walaalkeen Cabduqaadir Daahir Maxamed, waxaan halkan tacsi iyo tacsiyeyn uga diraynaa guud ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay.
โ€‹Waxaan si gaar ah u xusaynaynaa, uguna mahadcelinaynaa dhalinyarada ka socota kooxaha Sahal Gas iyo GTSS oo iskaashanaya, kuwaas oo soo qabanqaabiyey kulan duco iyo xus isugu jira oo ka dhacay Garoonka Cawaale. Kulankani wuxuu tusaale weyn u yahay muhiimadda ay leedahay in bulshadu isku taageerto xilliyada murugada, marxuumkana la xasuusto oo Alle loo baryo.
โ€‹Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, denbi dhaafna ha siiyo, ehelkiisana beddel khayr qaba Allaha siiyo. Aamiin.

11/06/2026

ุงู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุงู†ุง ุงู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Waxan Ka tacsiyadaynaynaa geerida ku timid walaalkeen Abdulqadir Daahir Fatuur , oo saaka ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Carmo. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryaynaa caafimaad degdeg ah dhalinyarada kale ee shilkaas ku dhaawacmay.

Abdulqadir wuxuu ahaa dhalinyaro firfircoon oo qayb ka ahaa qoyska Sahal Gaas FC
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada, iyo dhamaan bahda isboortiga Xaafada ee uu ka baxay marxuumku. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan naga siiyo.

Aamiin.

26/05/2026

Guddoomiyaha ugu sarreeya kooxda kubadda cagta ee SAHAL GAS FC, Macallin Gulled Dhaashane , Macalinka koowad ee kooxda Macalin Cabdiwadud, iyo dhammaan maamulka kooxdu waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ciyaartoyda kooxda, munaasabadda farxadda leh ee EIDUL ADXA

Ilaahay fadligiis, ciidan teeda kale nabad iyo caafimaad ha inagu gaarsiiyo. Waqti wacan iyo farxad la qaata qoysaskiina iyo asxaabtiina maalmaha Ciidda.

Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC

19/03/2026

Guddoomiyaha ugu sarreeya kooxda kubadda cagta ee SAHAL GAS FC, Macallin Gulled Dhaashane, iyo dhammaan maamulka kooxdu waxay hambalyo diiran iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ciyaartoyda kooxda, munaasabadda farxadda leh ee Ciidul Fidriga.

Ilaahay fadligiis, ciidan teeda kale nabad iyo caafimaad ha inagu gaarsiiyo. Waqti wacan iyo farxad la qaata qoysaskiina iyo asxaabtiina maalmaha Ciidda.

Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC

19/03/2026

FINAL-KA KOOBKA HORYAAL RAMADAN CUP๐Ÿ”ฅ

Galabta waxaa si rasmi ah loo soo afmeerayaa Koobki sanad laha ahaa ee Horyaal Ramadan Cup 2026.

GMC iyo TAYO SPORTS.

Cid kasta oo badisa, waxaynu filaynaa ciyaar xamaasad leh oo si xor iyo xalaal ah ugu dhexmarta labada dhinac. ๐Ÿค

Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC

18/03/2026

HORYAAL RAMADAN CUP ๐Ÿ†๐ŸŒ™
SEMI-FINAL . MATCH DAY
TAYO SPORTS Vs MATAANAHA STUDIO

Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC

17/03/2026

hattrick abdi kariim yare๐Ÿฅ‡โšฝโšฝ

17/03/2026

man of the mach ๐Ÿฅ‡

17/03/2026

NATIIJADA KULANKII GALABTA ๐Ÿ†
Waxaa galabta soo idlaaday kulan Semi-final ahaa oo u dhexeeyay labo koox oo ka tirsan Group B ee Koobka Horyaal Ramadan Cup.
Ciyaar adag kadib, kooxda GMC ayaa ku badisay 3-0

waxayna si toos ah ugu soo baxeen Final. Dhanka kale, kooxda ROYAL MEDIA ayaa Gabi ahaanba isaga hartay Koobka sanadkan.

โฑ๏ธ FULL TIME
GMC 3 - 0 ROYAL MEDIA

Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Dubai?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Dubai